Generaal Cusmaan Nuur Subagle oo Booqday Magaalada cadaado

Ammaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Calibaashi
Maxamed Xaaji Cumar ayaa socdaalka uu maanta Cadaado ku yimid waxaa ku
wehliyay Taliyaha guud ee ciidanka AMISOM General Cusmaan Nuur Subagle
iyo saraakiil kale oo ka tirsan Booliska AMISOM.

Ammaanduulaha ciidanka xoogga iyo saraakiisha AMISOM ayaa kulan la
qaatay madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi,iyagoo ka
wada hadlay xaqiijinta amniga xilliga doorashada iyo la dagaalanka
Al-shabaab.

Wafdiga ayaa sidoo kale kormeeray xerooyinka ciidamada Qaybta 21-aad
ay ku leeyihiin magaalada Cadaado, xarumaha Booliska iyo Nabadsigiddu,
iyagoo u kuurgalayay xaalada ay ciidamadu ku shaqeeyaan.

Ammaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Calibaashi Maxamed
Xaaji Cumar ayaa sheegay in ay bilaabanayaan hawlagallo cusub oo ay
kula dagaalamayaan kooxda Shabaab.

Taliyaha guud ee ciidanka AMISOM General Cusmaan Nuur Subagle ayaa
isna sheegay in socdaalkoodu la xiriiro arrimaha doorashooyinka iyo in
Galmudug lagala shaqeeyo nabadgalyada.

Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in
ka maamulahaan ay ahmiyad u leedahay in lagala shaqeeyo ciribtirka
Al-shabaab.

Ammaanduulaha ciidanka Xoogga dalka ayaa sadex baabuur oo Talisku ugu
talagalay ku wareejiyay Qaybta 21-aad, waxaana ugu dambayn wafdigu
galabta dib ugu laabteen magaalada Muqdisho.