Ayaa Ka Dhigtay kala Dilaalinta Beelaha shaqa dhul cusub lagu Helo?

Waxaan ku bilaabaya,wax xooga taarikh ah,taasoo laga soo bilaabo marku
kaligii taliyihii Siad Barre xoog ku qabsaday xukunka,sanadkii 1996kii.Wuxuu  ka
dhigtay siyaasadiisa,maadama,una xukunka ku helin  doorasho iyo kalsooni
shacab midna,inuu ka abuuray shacabka dhexdiisa iyo ciidamada dhexdooda,.
dad u soo aruuriya wararka,kuwasoo magacyo kala duwan lahaa sida: Dhabar
jedinta,Nssta,guulwadayaasha,iyo waxyaabo la mid ah.Dadka nucaas ku
shaqeeya,waxaa u badna beelo hadda aan ka gabsanayo in aan sheego,balse
somalidu ka dharegsan tahay.Beelahas siday u kala shaqo fiicnayeen,ama siday
ay wararka xiisaha badan ee beelaha inta si fiican u ayidsan xukunkiisa,iyo kuwa
ka soo horjeeda,wuxuun gacansaar gaara ah lalahaa,kuwa wararka  uu u arkayay
inay qatar ku yihiin maamulkiisa,siiba kuwo ka mid ahaa beelaha somaliland dega.
Haddii aan wax yar dib ugu laabto,marku xukuna qabsaday,waxa ay ahayd mar loo
baahna in isbedel u ka dhaco dalka,waayo,xukunkii rayidka ahaa,waxaa lagu eedayn jiray musuq maasuq baahay iyo dib-*udhac dhaqaale.Isaga oo ka faa’ida-
sanya dreenka shacabka,ayuu si dhibyar xukunaka ku qabsaday,haseyeeshee,
muddo ka bacdi,wuxuu la soo baxay,waxyaabo ummmadda somaliyeed u hor-
seeday hoog iyo halaag,waxana ka mid aha dagaalkii u ku qaaday Ethiopia oo
dalalkii Somalia saxiibka la ahaa ay kasoo horjeesteen,sida dawladdi Ruushka iyo
dawladaha Carabta.
Dagaalkas Somalia dhaawac naf iyo maalba ayaa ka soo gaadhay inkasta oo
militeeri ahaan looga adkaanin,hase yeeshee,siysaasad ahaan looga adkaaday.
Dagaalkas ay Somalia ku fashilantay,waxaa ka dhashay waxyaab badan oo
sameeyey Soomaalida.ka mid  ahaa kacdoono badan oo gudha ahaa  oo lagu diidana
xukunkiisa,iyo ururo debedaha ka abuurmay sida ururkii SNM,SNC, iyo kuwo
kale.Ururkii SNM.abuuritankiisa waxaa buddhig u ahaa,beesha Isaaq,waxaan
taageeray beesha Ciise kaliya beelaha dega Somliland,oo taageero niyadeed iyo
saldhigyo ciidanba siiyay SNM sobobtu waxa ay ahayd, taageero wada dhalasho
mid isku degaan,iyo  mid diineed,waayo,haddii dawladdii dadka Somaliyeed ka
dhaxaysay, ku dhaqmayso waxyaabo kasoo horjeed diinta islamka,oo ahaa kala
qaybi oo xukun qasabay ku ahayd Ciise inuu taageero SNM.Hase yeeshee beelaha
dega Somaliland oo odhan karo waa labo garab,raali kama ahayn inuu Ciise taageero SNM. Halgankii SNM iyo taageearadii Ciise,waxaa ku macaashay beel
ka mid ah beelahan degan,iyada,oo straatejiyada dagaalka SNM,iyo taageerada
Ciise siiyo u tebin jiray Siad Barre.
Beeshas aan sheegayo ma tixgelin, wada degananta,is-wada-dhalita, wax wada-
cunka iyo wax wada-acabka,waxa ayna ku kacday waxyaabaha aan soo bandhi
doono; sanadkii 1989kii,wuxuu kaligii taliya Siad Barre guluf ku qaaday laga soo
bilaabo bariga Lughaya ilaa degmada Xariirad oo  waqooyii ka xigta Borama,
gulufkas oo laga dan lahaa,in cagta mariyo Jabhadii SNM oo saldhigyo ku lahayd
xeebaha degaanka beesha Ciise.Gulufkas waxaa daba socday qolo isku magacabi
jiray jabhada bad cas iyo buuralayda,kana koobnayd beeshan la degta Ciisaha ee
aan ka xishoonayo inaan magcaabo. Ciisuhu ma ahayn bada cas iyo buuralayda midna,ee uljeedoodu,wax ay ahayd in marka ciidamada Siad Barre ay cagta mariyan wax allaale wixii rag ahaa ee dhulkas jooga,inay iyagu xoolaha iyo reeraha
ragoodii u kaarihii ciidamadu wateen xasuuqeen,la soo aruursado,ooBorama lala
yimaado,oo lagu cuno sobob la’aan.
.
Hadda ma cid moog baa jirta,in geeli maqashiisu edega ku jirtay,ee gabdhoodu
lahayeen,ee  wax sabob ah oo loo  qaada jirin,in sida digaaga Borama loogu
qasho, oo laga waayay beeshas,cid ka dhiidhida,oo tidha war waxani waa ceeb.
Sidas darteed,waxaan Ciise iyo Sacad Muuse,u sheegaya kuwa idin dhex degan
 ee sidas u dhaqmi jiray ayaa  idin kala dabqaadaya ee arka .Waxay ku hadaqaan
waxyaabo been ah oo ay doonayan inay dhul ku baladhsadaan,iyaga oo sheega
Lughaya iyo lixdan goobood waxaa laga xumi jiray Borama,fannaka cawdibila .
Waxaan ku soo gunaanadaya, waxaa lagu kala badbaadi kara waa iyado xaduudaha loo daayo  sida ahayeen 1960kii Lixdan gooboodna waxa ay waligood
ka tirsanayeen degmada Lughaya oo Saylac laga xukumi jiray..
  Qore:H.M.Warsame
.