Dantii Mooge Maro Duug ah Wuu ka liita

waxaad mooddaa buuqa iyo sawaxanka ka dhashay 6da goobood ee hoos taga lughaya ee hadda la rabo si siyaasadaysan in loga morojio dadka ciise ee ku dhaqan goobahaa in uu ka dhashay dhowr sababood
1-   Sababta koobaad waxay ay bilaabatay dhalashadii xornimada jabouti 1977kii oo dad badani u yaaceen jabuuti si ay u helaan nolol ka wanaagsan tii ay ku noolayeen iyaga oo waayay saamigii ay ku lahaayeen dalkii ay ka dirsanaayeen  ee la odhan jiray soomaalia oo xattaa u quudhii waayay waxyaalaha nolosha asaasi u ah sida waxbarashada,caafimaadka iwm, waayayna dad deegaanka ah u raadiya xuqoodooda sababtoo ah siyaasigii iyo aqoonyankii ciise ee ka shaqaynayay magaalooyinka waawayn sida xamar ee dadkan indhaha u ahaa ayaa mar qudha isku shubay jabuuti. Taasina waxay keentay in bulshadii degaankaas uu gabbal u dhacay oo la waayay wax dawladdii soomalia xasuusiya in uu jiro dad ciise ah oo gobolkaa ku nool oo u baahan nolol.taa waxa ka dhashay in dadkii badanaa ee jabuuti u yaacay ay  ku dhex milmeen dadka reer jabuuti oo ay noqdeen qayb bulshada ka mid ah oo iska daa in ay wax u taraan gobolkii ay ka yimadeen e, marnaba aan ka fikirin in ay dib u eegaan,xataa aan marnaba isku dayin in ay booqdaan halkaana gobolka salal gud’ahaan, 6dan gooboodna gaar’ahaan waxa ay ku waayeen bulsho aad  u badan.waxaa la filayay in aqoonyahankan ay u hiiliyaan dadkan oo ay isgarab taagaan hase yeesshee halkaa waa lagu hungoobay.
2-   Abaaro is dabajoog ah oo ku dhacay gobolka guud ahaan oo ah gobol dowlad uu ku tirsanyahay aan la garanayn oo ka gargaarta wixi dhibaatooyin dabiici ah ee soo food saara sida abaaraha,dhibaatooyinka roobabka ks dhasha sida daadadka,dabka iwm. Hal tusaalo ah, waxaad arkaysaa marka roobaku da’aan daadadka soo rogmada wax ay gooyaan wadooyinka baabuurtu marto oo marka horeba is ka liita oon daayactir wanaaksan lahayn qarkoodna sidii loo dhisay aan dib loosoo eegin ama aaban ahayn wadooyin dhisan oo ah kuwa baabuurtu jeexdeen daadakaasi waxa ay keenaan dadka oo isku talaabi kari waayaa mararka qaarkood waxaa dhaca in magaalooyinku kala xidhmaan todobaaddo.cidna uma soo gurmato illaa mantana waa sidii hadaba abaarahaa is dabajooga ah iyo rafaadka ka dhasha umuuraha dabiiciga ah waxa ay keeneen in qayb kale ay u hayaanto dhankaa iyo jabuuti, halkaana waxa la waayay qayb labaad oo dadkii daganaa deegaankaa.
3-   Burburkii soomalia 1991 waxaa jabuuti u qoxootiyoobay qayb  sadexaad oo ka mid bulshada salal ku noolayd oo 80% xeryo qoxooti looga sameeyay magaalooyinka sida HOLOL iyo CALI CADE ee dalka jabuuti meesha 20% kii hadhayna ay magaalada jabuuti ku dhex milmeen, illaa manta dadkaas wali way ka maqanyihiin gobolkii, tiro aad u yar ayaa  ku noqtay oo dib loo dajiyay dibu dajintaana waxay ay ka timid dad faro ku tiris ah oo isku tagay adeegsadayna jeebkooda si ay u baahi tiraan dadkaas.
4-   25kii sano ee uu jiray maamulka soomaliland wax horumar ah ama nolol ah oo uga yimaada maamulkaa ma jiro haduu jirana waa boob iyo dhac iyo in dhulkooda qaybba meel lagu daro oo waxa aad ogtihiin bobka hada taagan in uusan  mid hadda  bilawday ahayn  balse 2005tii uu DAHER RAYALE bilaabay goobahan in uu raaciyay gobolka AWDAL ciisuhuna wax u hadalla waayay oo ay ka aamuseen tanna tii un bay daba socotaa waxa la yidhi “bari waaga mooye wax san kama yimaadaan” markaa hadii ciisow aad maamulka somaliland  wanaag aad ka sugaysaan waxay u egtahay in maalin cad aad riyoonaysaan taa waxa daliil u ah in ciisaha lagu daawaday abaarti ka jirtay deegaankaa  labadii sano ee u danbaysay oo ahayd mid aad u daran iskadhaaf xoolihii e in ay dadkii laysay  lana rabay in ciisuhu ku dhamaado ama ka guuro dhulka si dhibatola’aan loo qaato.hase waxa la yidh “ sir ma qabr allaa u sahan ah”. Ilaahay waa badbaadiyay oo meeshii la rabay in ay madhaan way ku sii bateen
sababahaas iyo kuwa kale oo badan ayaa keenay in la damco dhulka ciisaha oo joog iyo jiifba lanoo diido.
Hadaba sidee damacan loo joojin kara?
Waxaa lagu maahmaaha “arrin aan sida futo riyaad loo faydin ma fayoobaado”
Ta u horaysaa ciise waa in uu gartaa dhibaatada qaarkeed in issagu sabab u yahay sida aan qaar ka mid ah ku xusnay maqaalkan.
Ta xigta waa in ciise gacamaha is qabsado sida uu u dhanyahay haday tahay aqoonyahan,siyaasi, dhilnyaro iyo waayeelba oo laga shaqeeyo sidii dadka loogu soo celin lahaa dhulkooda xaqqa ka maqanna loogu raadin lahaa waxa layidhi;”bawda rag maalinba midbaa qaawan ” ciisow maanta meel cidla ah baad gudsysaa ee hurdada ka kac runta iyo dhibatada taabo oo meesha lagaa soo galayo garo kadibna xalka raadi.
Ugu danbayn si loo gaadho xalka waxa loo baahanyahayin lala yimaado  niyad sami, tolnimo  daacad iyo isku duubni haddii kale.
Arrad waa dan uskagse waa doqoniimo
Issa community of Australia