Ciidamada Shabaab oo dib u qabsaday Deegaanka Moqokori, kadib markii ciidamada Amisom isaga baxeen..

Ciidamada Shabaab oo dib u qabsaday Deegaanka Moqokori, kadib markii ciidamada Amisom isaga baxeen15 September 2016.

Wararka imaanaya Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Somaliya ayaa sheegaya in ciidamada Ururka Al Shabaab saaka ay dib ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Moqokori oo ka tirsan Gobolkaasi.

La wareegitaanka Deegaanka Moqokori, ayaa timid kadib markii ciidamada Itoobiya oo deegaanka Saldhig ciidan ku lahaa saaka aroortii ay isaga baxeen.

Markii ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen deegaanka ayaa durba waxaa la wareegay gacan ku haynta Deegaanka Ciidamada Ururka Al Shabaab oo markii horeba ku sugnaa meel aanan sidaasi kaga fogeyn deegaanka.

Boqolaal ka tirsan ciidamada Ururka Shabaab ayaa gudaha u galay deegaanka, kuwaasi oo wata gaadiidka dagaalka, waxaana isugu soo baxay deegaanka dadkii joogay oo daawanaayay ciidamada Shabaabka.

Xaalada deegaanka Moqokori ayaa guud ahaan degan, dadkana waxa ay yihiin kuwa eegaya ciidamada Shabaabka ee gudaha Magaalada soo galay.

Ciidamadii Itoobiya ee isaga baxay deegaanka Moqokori, ayaa u jiheystay dhanka Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.