Ina Cabdi Ileyoow il goona leh dadka arka qalbi goona lehna Ilaahayba og

FIIRO GAAR AH
Dib u Milicso Qormooyinkii ay 5 sanno ka hor reer Sitti Saadaalin jireen iyo Siday wax ku Dambeeyeen

Cabdi Muxumd Cumar oo ah madaxweynaha Kililka shanaad ee soomaalida Ethiopia ayay ku socoda murdida kor ku xusan wuxuu gobolka Sitti ku yimid booqasho maalmo door ah qaadatay sababta u socdaana waxay ka mid tahay qayb ka mid ah hawl maalmeedkiisa maana ahaa booqashaddi koobaad iyo tii labaab midna waxaana looga bartay balan qaadyo fara badan oo qaarkood raad laga hayn qaarna lagu diirsaday kuwaa lagu diirsaday wuu ku aamaan yahay waxaan lagu sheegaa Cabdigii Siyaasi ciise ka roone.
Intaa ka dib,hadaan u gudbo ujeedada qormadan maanta,
Ummadda soomaalida oo ah dad wada dhashay oo sinaba u kala tageyn una kala maarmi karayn ayaa hadana mar walba oo ay arintoodu soo gaadho siyaasad, wax wada qaybsi iyo wax wada wadaag waxay kala sheegtaan ama isku sameeyaan cadaalad daro ta ugu xun oo xitaa gaaladdi ummadda soomaalida kala qaybisay ka ay xishoon jireen.
Cabdi Muxumad kuna naanays dheer ina Cabdi Iley runti ma ogi in u naanaysta ogolayn in loogu yeedho in in kale haduu ogolayn waan ka raali galin,runti waa madaxweynihii ugu nasiib wanaagsanaa ee soo maray soo yaalka is maamulka soomaalida Ethiopia inta la xasuusto taarrkhida soomaalida Ethiopia wax yaabuhu qabtaay ee horumar ah qoraal yar laguma soo koobi karo lamana inkiri karo wuxuuna nasiib iyo ayaan u yeeshay is badalka ku yimid dalka Ethiopia oo wakhtigu ku soo beegey wuuna asiibay sida ay wax ugu socdaan marka meelo fara badan laga eego.
Iyadoo ay siddaasi jirto hadana aduun hawl iyo hagaardaamu kama dhamaato waanatii ay soomaali horey ugu maahmaahday nin habari dhashay halmaan seegi waa,Madaxweyne Cabdi Muxumad wax qabadkiisa waxaa jira dad u dhashay Gobolka Sitti oo u arkay in yahay wax qabad GEES GURA LEH oo gees u jan-jeedha socdaalka u maal mahaan ku guda jiro gobolka Sitti horta waxaa ka dal baday odey dhaqmeedka reer Sitti ee Genda Khayraha loo yaqaan oo ugu tagey xarunta is maamuulka soomaalida Ethiopia ee magaaladda Jig-Jiiga ka dibna isagoo arrinta ka jawaab bixin ayuu madaxweyne ku yimid socdaal qaatay dhoowr maalmood gobolka Sitti wuxuuna soo indhe-indheeyey meel iyo goobo ay ka mid yihiin magaalooyinka Harawo,Ayshaca,Hadhagaala,Shiniile,Erer iyo meelo kale meelaha u soo booqday waxay dhamaantood ku yaalaan meelo aan sidaa uga fogeyn magaalada Dire-dhaba waana goobo u maro jidka cusub ee tareenka casriga ah oo hadda shirkad Shiina ahi dhismihiisa gacanta ku hayso jidkaas oo dadka degaanka gobolka Sitti ay meelaha qaarkood cabasho ka muujiyeen in wax ka badal lagu sameeyana dawladda Ethiopia,Kililka iyo Shiinahaba ka codsadeen,Laakiin gobolka Sitti maaha oo qudha inta u dhoow magaalada Dire-dhaba iyo meelaha u maro tareenku gobolku waa gobol aad u baaxad weyn waana gobolka qudha ee dhulka soomaalida Ethiopia degto la leh xuduudo badan dad aan soomaali ahayn laakiin dadkaasina hami iyo hunguri ka hayo in ay meelo ka mid ah gobolka soo hujuumaan sidaana ku qataan meelaha u madaxweynuhuu soo booqday waa goobaha ugu yar marka la eego baaxada gobolka
Madaxweyne Cabdi Muxumad isagoo ka jawwbi waligi laguma arag isagoo soo booqdey goobaha ku yaal soodimaha ay damacsan yihiin ummadda aan soomaalida ahayn sidda Oromadda iyo Canfarta oo ku hamin in ay degaanadooda ku darsadaan inta ugu badan degmadda Afdam ee gobolka Sitti,socdaalka madaxweynuhu ku yimid gobolka Sitti ee loogu madac daray Haraad la dirir maaha mid dadka reer Sitti laga iibin karo sababto ah oo la ogsoon yahay in gobolka Sitti ay ahayn baahidiisa koobaad Haraad balse ay tahay wax barasho caafimaad,wadooyin iyo in degmooyinka lagu moransan yahay sharciga dawligga la hor geeyo si loogu kala baxo hanaanka iyo haykalka dawladda oo wali ka maqana lagu xoojiyo.
Dadka reer Sitti waxay madaxweynaha ka sugayaan in loosoo jeedsho warbaahinta dawladda gaar ahaan Tv-ga ES-TV oo 24 saacadood warkiisa ku koobay Godey iyo Oraxay iyo Dhaanto taas oo ay dadka ree Sitti u arkaan xaajo beelaysan oo gees gura leh.
Dadka reer Sitti waxay wali ka dhul sugaayaan balaan qaadyadi u madaxweynuhu ugu balaan qaaday duqayda Gendaha iyo Ugaas Mustafe in ee ku saabsana saami qaybsiga iyo hanaan loo maareeyo maaliyadda iyo sidda loo qoondeeyey oo lagu sal gooyey qaab gobolaysi ah taas oo dadka ree Sitti u arkaan in iyaga lagu muquuray cadaalada daro xadhkaha goosatay oo ay kala kulmin boqoraddi iyo madaxddi Amxaarka ee soo halaagi jiray ummadda soomaalida Ethiopia waayo dhulka soomaalida Ethiopia waxay kala ahaayaan laba Districk oo Diredhab iyo Ji-jgga looga kala talin jiray magaalda Dire-dhaba waan ognahay xaaladeeda oo madaxweyne Cabdi laguma haysto laakiin haddi Sitti Ji-jigga la hoos geeyeey waxay dadka reer Sitti is weydiyaan aaway Saamigi aan ku lahayn?
Wax yaabha ay sodsanayaan reer Sitti waxaa ugu horeeye;
1.Saamig qaybsiga oo ay aad saluugsanyihiin,
2.Tayada wax barashadda oo ah mid aad u hoosaysa,
3.Caafimaadka oo degmooyinka kale ee reer Godey ka liita,
4.Xuduudaha oo gobolku la wadaago Canfarta iyo oromadda oo aan sugnayn,
5.warbaahinta kililka 5aad oo gobolka laga xayiray,
6.Wadooyinka oon haba yaraatee aan wax laga qaban marka la barbar dhigo goboladda kale waxayna dad reer Sitti aad isha ugu hayaan wadada Diredhaba-Ali-Sabiix (Djibouti)isku xidha oo mudo 10 sannoo qabya ah, iyo tan isku xidha Gadhmalu-Dikhil(Djibouti) oo halboowlaha gobolka Sitti,
7 in Maamulka dawliga la wada gaadhsiyo gobolka oo aan lagu soo koobin meelaha Tareenku maro oo qudha,
8.In la dar-dar galiyo dib u dejinta Xoola-dhaqato beeralaydda gobolka oo wali la saluugsan yahay,
9.In dadka dib loo dajin lagu soo koobin u qudha degmooyin gaar ah balse gobolka oo dhan si siman looga wada gaadhiyo.
10.Dadka reer Sitti waxay suaalo is waydiyaan sababta keentay in dib u dejinta lagu soo goobo Ayshaca,Hadhagaala,Meete,iyo Harowo oo looga hor jooga goobaha ay damacsan yihiin Canfarta iyo Oromaddo,Sidda Gadhmalu,Cadaytu,Cundhufa,iyo Mayso?

Iska soo wada hooriyo Cabdi Muxumad Cumar waxaa laga rajayn in u marka Sitti la iman Qalbi Goone leh.

Nabad iyo Caano.

Waa Aragtida Qurba joogta reer Sitti