Qorshe Saddex Geesood Ah Oo Maraykanka,Yuhuuda,Iyo Sucuudigu Geeska Africa kaga Dhigayaan Maxmiyadd Itoobiya Dusha Ka Maamulato Iyo Sir Sucuudiga Ka Fakatay

Saylac(Xeernews24)Sanadkii 2015-kii ayay ahayd markii sareeyo guuto Janaraal Anwar Al-cishqi oo ah janaraal hawl gab ah oo sucuudiyaan ahi khudbad si ahayd balse markii danbe warbaahintu heshay uu ka jeediyay kulan ay soo abaabushay xarunta daraaasaadka xidhiidhka arimaha dibada ee caalamka ee lagu magacaabo Council On Forein Relations oo maraykan ahi,kulankaasi oo ka qabsoomay dalka Israel oo uu ku sheegay qorshayaal ay sucuudigu kala shaqaynayaan dalalka Israel iyo Maraykanka oo la xidhiidha xaaladaha bariga dhexe iyo geeska Africa,isaga oo wakhtigaasi sheegay in sucuudigu maraykanka kala shaqayn doono sidii somaalida geeska Africa ku nool loo hoos gayn lahaa nidaam ahaan dawlada Itoobiya.

Hadalkaasi janaraal Anwar wakhtigaais jeediyay ayaa durba qaybo kamida ahi u qabsoomeen sidii uu wakhtigaasi uga hadlay iyada oo dhinaca kalena qorshayaaashaasi ay kusoo beegmayaan xidhiidhkii sucuudiga iyo maraykanka oo mad-madow sookala dhex galay kadib markii todobaadkan kongaraska maraykanku ansixiyay qaraar shacabka maraykanka u ogalaanaya in dacwad kusoo oogi karaan sucuudiga iyaga oo magdhaw ka raba weerarkii 11 september.

Khudbadihii wakhtigaasi janaraal Anwar uu ka jeediyay  xarunta daraasaadka xidhiidka arimada dibada caalamiga ah ee lagu magacaabo Council On Foreign Relations ayaa waxa uu sheegay in qorshayaasha sucuudigu uu maraykan kala shaqaynayo ay kamid tahay sdii dhulka somalidu degto ee geeska Africa loo raacin dalka Itoobiya nidaam siyaasadeed ahaan iyada oo la isticmaalayo waxa uu ku sheegay geeska Africa oo xataa ay ku jiraan dawlada Jabuuti iyo somaliland-ba.

Janaraal Anwar waxa uu sheegay in khayraadka dhulka somalida itoobiya ee kililka shanaad loo yaqaano laga dhoofin doono deked ganacsi oo laga hir galin doono dekeda jabuuti gaar ahaana deegaan loo yaqaano Madiinatul Nuur oo ku xidhnaan doonaan deked laga hir galiyay dhinaca yamen oo isla magaca Madiinatul Nuur la yidhaa iyada oona la marin doono dhuumo laga dhoofiyo shidaalka gaar ahaana  gaasta qaydhin.

Janaraal Anwar waxa uu xarunta ka jeediyay si loo gaadho arrimahaasi inay jiraan qodobo lagama maarmaan ah kuwaasi oo uu ku sheegay sida tan.

  • In kor loo qaado xidhiidhka saaxiibtinimo iyo Isfahan laga dhex galiyo carabta iyoisrael
  • Qodobka labaad waxa uuku sheegay inay tahay in la badalo siyaasadda lagula dhaqmo dalka Iiraan
  • In la mideeyo wadamada gacanka carbeed
  • Waa in la dajiyo oo nabad galiyolagu soo dabaalo dalka Yamen oona dhiso dawlad ay carabta gaar ahanasucuudigu ogol yihiin
  • In la dhiso ciidan carbeed oo maraykanku wax ka dhisaan kuna xidhan maraykanka
  • Faafinta wax uu ku sheegay dimuqraadiyadda islaamiga ah.

 

Janaraal Anwar waxa uu madax ka yahay xarunta daraasaadka iyo istaraatiijiyadda ee Jidah iyo wadanka boqortooyada sucuudiga,waana sarkaal hawl gab ah kaasi oo booqashada uu yuhuuda ku tagay wakhtigaasi ay carabta ku dhalisay buuq.