Qosalna Hiilimaad leh

Sida  cadada ii ahayd,
Waxaan ku bilaabayaa,bismilaahi Raxmaanaraxiim,
waxaan ki xijisiinaya,salaanta islamka aslaamacalaykum:Intas kadib,
waxaan ognahay inay waxooga istaagtay arrintii 6 goodoo,ee xaqdarada
looga xidhay ummaddii deganayd in ay wax doortaan iyo in iyaga la doorto,
ee xaquuqdii dastuuriga ahayd laga qaaday.Waxaa ognahay oo kale,in xitaa
loo diiday in ay iska diwaangeliyaan 6 goobood,laguna qasbay in ay iska
diwaangeliyaan degaanno ka fog.Intii awoodii kartay,waxa ay iska diwaangeli-
yeen degaanadii ugu dhawaa,waxa ayna qaateen kadhadhkii cod-bixinta ee
doorashooyinka soo socda.
Waana caadad maamulke,waxaa ka soo baxay amar ah,in diwaangelin kale,
laga bilaabi doono 6 goobood,si kaliya loogu codeyo madaxweynaha,dadka
diwaangelinta ka qaybgalyana waxa laga soo daabuli doona intay u sokaysa gobolka Maroodii-jeex iyo inta galbeed ka xigta,arrintas sida ay sheegayaan
Maroojeex iyo inta galbeed ka xigta, arrintas sida dad sheegayaan,waxa ay
ahayd Wareegto ka soo baxday madaxtoyada somaliland.Hadaba bal arrimaha
caynkas ah maxa lagu tilmaami kara,mase jirtaa ddunyada meel lagu yidhahdo
shacabka madaxweynaha kaliya ayaad u codayn kartan.
,
oo cid kale lagama dooran karo. Haddii dhan walba la eegay,sobobta sidas loo
yeelayo 6 goobood,waa la garan waayay,waxa ay dabada ku hayso,waxaan la soo
tuuray in ay 6 goobood isku haystaan seddex gobol oo kala ah gobolka Maroodi-
jeex,gobolka Saaxil iyo gobolka Bakii, waana taasi waxaan sal iyo raadtoona lahayn
oo ah midi midi ku taag ah,oo aan sina suurtagal ku  ahayn,waxaan u sheegayna
beelaha deriska ah,dhulka waa laisla degi jiray,waxna waa la wada lahaa,waxna
waa lakala lahaa. Wixii la wada lahaa waxa ay ahayeen,DAAQ,BIYAHA,iyo GUURKA, wixii lakala lahaana waxa ay ahayeen wixii lagu metelayo beelkas,
magaceeda,sida magaca degaanka,iyo kuwa u metelaya golayaasha siyaasada.
Haddii la tixgelin waayo,arrimahas,waa lagama marmaan ah inuu isku dhac
iman doono.
.Waxaa ku dhaliilaya dadka ay quseeyaan 6 goobood ee hadana ka amuusan
ka hadalkood,iyada oo somalidu tidha qoslna hiilimaad leh.
Qore:
H.M.Warsame