Ma ogtahaay in aay bilabaneeyso dacwadii Badda Somaliyeed 19ka ilaa 23ka bishaan

 

Waxaa loo ballansanyahay Dacwadii dhul baddeedka Soomaaliya oo eey Kenya sheegatay oo aad shax-sawir ahaan aad hoos ka arki kartaan.

Waxaa si public ah loo dhegeysan doonaa doodaha labada dowladood waa Teena Soomaaliya iyo tan Kenya .

Dacwad dhegeysigu wuxuu kaliya ku saabsanaan doonaa diidmadii ey dowlada Kenya ka biyo diiday in arinka badda lagu dhameeyo Maxkamada, soona gudbisay 7 October 2015 diidmo horu dhac ah.

Maxkamaduna iyadoo dhowreysa xerarka ama Article 79, farqada 5aad ayey hakisay sii wadaistii dacwada sidii caadiga aheyd ee la filayey in ey u dhacdo.

Dowlada Soomaaliya oo laga codsaday in ey soo gudbiso waxa ey ka qabto diidmadaas hor u dhaca aheyd ee Kenya soo gudbisay iyana waqtigii loogu talo galay ayey uga jawaabtay oo ahaa 5 ta February 2016.

Sidaa awgeed, maalinta Isniinta ah ee soo socota taariikhduna ku beegantahay 19ka September ayey bilaabaneysaa dhageysiga ku saabsay sababta ey Kenya u diiday in lagu xaliyo Caseka Maxkamada, iyo cadeymaha ey sheeganeyso oo eey u cuskaneyso inaan Maxkamada lagu dhameyn arinta ee si hoose ey 2da dowladood uga xaajoodaan.

badda-somalia1

Halka Dowlada Soomaliyana ey mid taa liddi ku ah oo ah in dacwada Maxkamada lagu dhameeyo iyo cadeymaha ey u cuskaneyso laga dhowri doono ama in ey Kenya ku raacdo.
Jadwalka dhageysiga dacwada waa sidaaan:

Wareega 1waad ee dhegeysiga dooda
Monday 19 10 a.m.-1 p.m.: Kenya
Tuesday 20 10 a.m.-1 p.m.: Somalia

Wareega 2aad ee dhegeysiga dooda.
Wednesday 21 4.30 p.m.-6 p.m.: Kenya
Friday 23 10 a.m.-11.30 a.m.: Somalia

#FG: Waqtiga loo qabtay cidda dooneysa in ey ka qeyb gasho dhageysiga dacwada sida (Diplomaciyiinta, Wariyayaasha, IWM) waa caawa saqda dhexe 15ka September, 2016 (Waqtiga Maxkamada Hegue).