Tanina Kuwii Hora Ka Daran

Bismilaahi Raxmaanaraxiim,
 Salaanta islamka kadib,waxaan raba inaan wax yar ka
idhahdo,shirka jaraa’id ee u ka hadlay Badhasaab Buuni,ee u kaga ashtakoonayo
ciida dixda Bariisle ee  qandarsaka loosoo siiyey dad kale oo aan gobolka u dhalan.
Adeer somlidu waxa ay ku mahmahdan,
NIN CUDUDU ADHI  KU LAQANYOODAY
LEGII AYAA UGA HOREEYEY.
Arrintani waa tii seddexaad ee lagula kacayo gobolka Saylac,iyo ummadda ilaahay ku beerayba,waxaana ka horeeyey in can-
shuurta ka soo xeroota kastamada gobolka,aan haba yaraatee hal doolar kaga
soo noqon gobolka,iyada oo  qofwalba ka dheragsan yahay dhawr iyo labatanka sano ee somaliland jirtay aan hal mashruuc laga hirgelinin gobolka,ha ahaato,xaga
biyaha,xaga waddtooyinka iyo xaga rugo caafimaad,kuwa dad iyo xoolo midina,
waxaas oo dhana waxa ay qayb ka yihiin  arrinta 6 goobood ee ka xayiran.
.
 Waxaad sheegtay in wadada u dhaxaysa Loyacade iyo Saylac tahay kaliya 7 Km.
waana laga warqaba dhiibaatada ay gaadiidka  iyo dadkaba ku hayso.arrintuna
wax ay u eegtahay waxa ka qaata mooye,wax u qabo meesha ma taalo.Waxa
kale oo la ogyahay, shaqaalaha ka hawlgala gobolka in,laga soo daabulo goboladda kale,iyada oo dadkii gobolka u dhashay ee hawsha qaban lahaa doorbiday in kuwa kale lagu keeno siyaabo sharci daro ah.Isku oo wada duubo,
waa nasiibdaro ku habsatay gobolka Saylac.
.
Ciise community in Germany.