Goormay Bilaamantay Gacan Bidixaynta lagu Hayo Degmada Saylac?

Salaanta islamaka kadib,
Haddii runta aanan laga warwareegin,indhaha iyo dhegahana la iska qaadayn,gacan bidixaynta iyo dhul durugsiga lagu hayo
gobolka Saylac,wuxuu si rasmiya u bilawday,markii u Daahir Rayaale ku
fadhaystay kursiga madaxtinimo ee somaliland,sobobta ugu weynina waa
marku go’aan ku gaadhay inuu degmada Lughaya ee  qarni ka qarni ahayd,
degmo ka tirsan Saylac,raaciyey sida isagu yidhi gobolka Bakii,taasoo horseeday
in lagu dhiirado inay dhib yartay in xaduudihii hore wax lag bedeli karo,beela kalana
damc gelisay in ay sheegtan degaanada 6 ah.
Gacan bidixaynta,aan ka dhicin cunqabatayin rasmiya,ee gobolka laga saaray
xaga horumarka,iyo dhul durugsiga,waxa loo raaciyey in dixda Bariisle ee ay ku
dhibaataysan yihiin ee degaanka u ah,ciideeda ay dad kale on aan gobolka u
dhalan qandaras lagu siiyay,si uga faa’idaystan.idinkana la nima ogola,inaad
qandarasyada caynkasa la idin siiyo lagu yidhi.
Cabashada Badhasaab Bucul waa mid xaqa,sidas darteed,waa in la is  garabtaga
horayna waxa loo yidhii rag ida Ida kuguma daayo,ee nabadgelyo jacaylka iyo
dersi jacaylka aad aaminsan tihiin ma’ah mid la idina wadago.Waxa kale oo
aad ogtihiin dhibaatadii idin horseedeay hooga iyo halaaga ee aad u barakacden
xeryaha HolHol iyo Casaamo,waxa ay ka dhalatay taageeradii hiil iyo hooba lahayd
ee ururki SNM,abaalkeediina maanta waad hesheen.haddi aad tihiin reer Saylac,
waxa kale oo aad ogaatan ciida Bariisle ee la rabo in xooga lagu gurto,iyo 6
degmo ee xaqdarrada loo xidhay xidhiidh baa ka dhexeeya.