Dhageysiga Maxkamadda Hague oo fadhigeedii Maanta soo idlaaday+Sawirro

Hague(XeerNews24)

Fadhigii Maalintii labaad Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ ee fadhigeedu yahay Magaalada Hague ee Dalka Netherland ka socoday dhageysiga dacwadda dhinaca badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo idlaaday.

Guddiga sharci yaqaanada ah ee ku matalaya difaaca dacwadda badda ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay maxkamadda ka hor jeediyeen cadeymaha ay kaga jawaabayaan doodda Dowladda Kenya ay shalay Maxkamadda ka hor jeedisay.

Gudiga matalaya difaaca dacwadda badda ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay maxkamadda ka hor jeedinayaan qodobadda lahaanshaha badda Soomaaliya, si xal loogu helo muranka badda ee ka dhexeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Garyqaanada Soomaalida oo uu hor-kacayo Qareenka Guud ee Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir, ayaa Maxkamada ka jeediyay sharciyada ay u cuskanayaan in Maxkamadda ay soo fara geliso Muranka kala dhaxeeya Dowlada Kenya ee ku aadan sohdinta Badda

Dhageysiga Dacwadaan ayaa socon doonta illaa iyo Maalinta Jimcaha, iyadoona markaa waxii ka danbeeya ay Maxkamada ICJ guda geli doonto sidii ay go’aamo ugu gaari laheyd soo jeedinada labada dhinac ee ku aadan in Maxkamada ay soo dhex gasho arrinkaan iyo inkale.

Wararka ayaa sheegaya in dhageysi kale oo ay Maxkamaddu ka yeelanayso dacwad badeedda lagu muransan yahay ayaa la filaa inuu qabsoomo maalinta berrito oo arbaco ah. si loo sii ambaqaado arrimahaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa uga hadlay arriintaasi bogga uu ku leeyahay baraha Bulshada waxaana uu yiri “Waxaan si dhab ah ugu kalsoonahay in murranka baddeena la galliyay aan ku guulaysan doono. Shacabka Soomaaliyeed waxaan u ballanqaadayaa inaanan wax tanaasul ah ka sameyn doonin doodda ku saabsan xuduuda baddeena”.dacwad-icj-1dacwad-icj-2dacwad-icj-3dacwad-icj-4dacwad-icj-6