Jawaab ku socota Wasirkii Hore Cali Elmi Geele

Bismilaahi Raxmaanaraxiim,
Salaanta islamka kadib,
Waxaan jclahay inaan
bal isku dayo jawaab kooban  siiyo wasiir-hore Cali Cilmi Geele oo shaaca
ka qaaday inuu ku biiray xisbig xaakimaka Kulmiye.Cali Cilmi Geele,waxa
inuusan wakiil ka ahayn gobolka u ka soo jeedo ee magac u yaalka uun ah
ee dadka qaarkii yidhahdiin Selel, Caliyaw waa ay iska cad tahay sobobta
aad iskugu dhiibtay Kulmiye,haseyeeshee,waxaad ka dhigan tahay nin daad
qaaday oo  naf-la-caarigii xumbo cuskaday,somaliduna wax ay tidha  somalidu
 gabaldhac geed lama korro.
Mida kale,waad ilawsan tahay ama waad iska indha tiraysa,xisbiga Kulmiye
wuxuu u gaystay beesha aad ka soo jeedid,iyo waxa u hadda ku hayo.Kulmiye
waa ka masuulka ka ah xaryiraada saaran 6 goobood,ee loo diiday shacabka
ku dhaqan inay wax doortaan iyo in laga horjoogsaday adeegyada asaasiga ee
nolosha bini’aadamka. Kulmiye waa kii boobay kuraastii beesha ee golaha
degaanka Saylac Kulmiye waa ka  ku guuldaraystay inuu  canshuurta faraha badan
ee ka soo xeroota  kastamada gobolka,hal doolar oo ka mid ah  dib ugu celiyo
gobolka.Kulmiye waa ta shaqaalaha ka hawlgala meelaha muhiimka
ah ee gobolka ka soo daabula gobolo kale,iyada oo kuwii gobolka u dhashay
shaqo-laan deribiyada jiifaan. Kulmiye waa kuwa aan ka hadal inuu gobolku
ka mid yahay kuwa xaqa u leh sami-qaysiga kuraasta aqalka wakiiladda ee
la rabo in laga badhandego dawaan Kulmiye waa kii Hargaysa.ka daabulay
sanaduuq laga buuxiyey warqadaha cod-bixinta ee geeyey Lughaya ee kuwii
hore lagu codeeyey intay tuureen ku bedelay kuwii kale,markay socota doorasho
ku sheegii golayaasha degmooyinka. Kulmiye waa kii ku dalbaday askarta inay
sanaaduuqdii cod-bixinta qaataan oo ay geedo hoostood la tageen,soo buuxiyan
doorasho-ku-sheegii golayasha degaanka Saylac.
Sidas adiga oo og, ayaad u digarogtay maanta Kulmiye,adiga oo iska dhigaya inaad
wakiil ka tahay beesha,waana nasiibdarro,inaad qabsatay geed gunta kasoo ruqaya, ee bal dib iskugu noqo. Waa iska caadii,in  marka xisbi la soo gudbonato
taageero la’aan,uu u gacan haadiyo dadka u isleeyahay waa la soo jiidan kara,
anaguna haddii aan nahay qurbajoogta gobolka,waan idin dhaliilsan nahay ragiina
siyaasiinta ah ee kasoo jeeda  beesha.
Alaa mahadle,wabilaahi tawfiiq
Qore: H M Warsame