DAAWO SAWIRADA :- Sheekh Shariif oo soo gaadhay Muqdisho+so dhaweynta losameyay

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhow ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdusho, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Sheekh Shariif ayaa diyaarad qaas ah ka keentay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana soo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Siyaasiyiin, Mas’uuliyiin, odayaal dhaqameedyo iyo Haween.

Diyaar garowga soo dhoweynta Madaxweynihii hore ayaa tan iyo shalay laga dareemayay magaalada Muqdisho oo dhan, iyadoo sawirro soo dhoweyn ah la sudhay waddooyinka qaar.

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho uga dhawaaqo Ololihiisa Musharaxnimada.

Sheekh Shariif ayaa waxaa ammaankiisa sugi doona Ciidamada AMISOM iyo ciidamo gaar ah, waxaana uu noqonayaa musharaxii u horeeyay ee ay ilaaliyaan ciidanka AMISOM.

Ammaankiisa ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo uu degi doono guri ku yaala agagaarka Isgoyska Km4,

 

14355075_1085393644849499_2783028251471579069_n 14359112_1085398974848966_1178160361419807786_n 14433073_1085393648182832_3414338676633858556_n 14441055_1085393548182842_2308334807923361517_n 14359113_1085402911515239_4924096017275100273_n diyaar-garow4