Dowlada Afghanistan oo heshiis la gaadhay ururka Xisbul Islam cafisna u fidisay Hekmetyar

 

September 23 (XeerNews24)

Dowlada Afghanistan ayaa heshiis la saxiixatay ururka Xisbul Islami kaasoo wadada u baneynaya in taliyaha ururkaas Gulbuddin Hekmatyar uu dib ugu soo laabto siyaasada iyadoo hore loogu eedeeyay in uu galay dambiyo dagaal sanadihii 1990kii.

Heshiiskan ayaa siyaasiyiinta qaarkeed waxa ay u arkaan inuu yahay mid horumar ah halka qaar kalana ay dhaliil u soo jeediyeen. Madaxa guddiga sare ee ammaanka dalka Afghanistan Sayed Ahmad Gilani ayaa ku tilmaamay heshiiskan inuu yahay inuu rajeynayo in nabad joogto ah ay ka dhalan doonaan dalkiisa.

Heshiiskan ayaa waxa uu yahay mid Madaxweynaha dalka Afghanistan Ashraf Ghani oo dadaal dheer u galay in uu soo nooleeyo wadahadaladii uu kula jirey ururka Daalibaan si uu isugu dayo in uu ku soo dhex daro bulshada dadka la tuhunsan yahay inay dagaalada ka qeybqaateen si ammaan ahna dadka ugula noolaadaan.

Heshiiska Khamiistii aynu ka soo gudubnay ayaa la siiyay magangalyo Hekmatyar dambiyadii uu ka galay dalka Afghanistan  iyadoo sidoo kale maamulka Afghanistan uu xabsiyada ka sii deynayo maxaabiista Xisbul Islam.Sidoo kale dowlada ayaa oggolaatay in ay dadaal u gasho sidii loogaga qaadi lahaa cunaqabataynta caalamiga ah hogaamiye Hekmatyar kaasoo  dowlada Maraykanka u aqoonsaday inuu yahay argagaxiso caalami ah xiriirna la leh ururada Alqaacida iyo Taliban.

Sanadihii siddeetameedyadii ayaa loo yiqiin Hekmatyar “Kawaanlihii Kabul” xilligaas oo uu taliye ka ahaa maleeshiyaad ka soo horjeestey Midowgii Soofiyeeti waxaana lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa dilka kumanaan ruux markii ay dagaalyahanadiisa ay rasaas ku ridi jireen caasimada Kabul intii u dhexeysay 1992-1996 xilligaa oo uu socday dagaal sokeeye.