Diiradda XeerNews24

Dawlada Djibouti, ma ku tahay dadweynaha ciise sac geeskiisu wareemay?

Intaan dulucda qormadaa u gudbin hortaa waxaan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karayn hawada u marin lahaa dhamaan dadweynaha reer Djibouti xuska maalita xorriyadda dalka Djibouti een aad u jeclaahay.

 

Beesha ciise waxay ka mid tahay beelahaa soomaaliyeed ee ku leh dhulweynaha soomaaliyeed taarrikh fac weyn oo boqolaal sano soo jirtay waxay kalo ay ka mid tahay beelaha wali ay ku hadhay sii haysashada xeerkii iyo dhaqankii suubbanaa ee ummadda somalidu ku faanay jirtay beesha wuxuu ilaahay ku beeray meelaha ugu qadiimisaan uguna muhiimsan ee dhulka somaalida taasi waxay sabab u noqotay in ay xitaa noqoto beeshu dadkii ugu horreyeey ee af soomaali ku hadla ee ay soo gaadho diinteena muqudaska ee Islamka sababto ah waa dadka soomaaliyeed ee ugu dhaw jasiirada carbeed marka laga eego dhanka geografiga sidaas darteed waxay noqon karaan soomaali oo dhan dadkii ugu horeeye ee islaama, sidaa la sheego beeshu waxay ka soo fircan tahay sheikh ciisa madoobe oo ku aasan magaalada Maydh ee bariga gobolka sanaag ka dibna waxay soo degday dhulka ay maanta degan tahay oo ay ka mid yihiin sadexda magaalo ee kala ah:Saylac,Diredawa,iyo Djibouti sadaxdaa magaalo saylac waa hooyadi muslimiinta geeska afkrika Diredawa waa caasimada labaad ee dal weynaha qadiimiga ee Ethiopia iyo Djibouti oo ah hooyada iyo hoyga soomaalida maanta iyadu ay sidaa tahay hadanaa beeshu waxay dhanka siyaasada ku dhex baahday sadex dal ama maanta afar dal iyo sadex maamul oo feedaral lagu sheego.

 

  1. ugu horeeyn beeshu waxay qayb ka tahay dawlada feedaraalka Ethiopia oo waxay ku leedahay kuraas magaalada Addis abeba .
  2. waxay madax ka tahay maamulka feedaraalka magaalada Diredawa oo wareegto ah.
  3. Waxay qayb libaax ka tahay is maamulka degaanka soomalida kililka5aad ee Ethiopia
  4. Waxay wasiiro iyo xildhibaano ku darsaday dawalada feedaraalka somaliya ee magaalada Xamar joogta
  5. Maamulka Somalilandna kama maqna beeshu oo waxaa ku jira hal wasiir oo cawryoo beel lagu tilmaamo iyo xidhibaano tiro yar
  6. Djiboutina beesha madax iyo mijaba waranka daabkiisa haysaIntaa waxaa dheer gobolada sidaa shiniile oo Ethiopia ah iyo salal oo Somaliland waxaa gacanta si buuxda ugu hayaa rag beesha ka dirsan degaanada ay beeshu degto way fara badan yihiin meelo kala duwana way ku kala yaalaan waxaa jira meelo ay beeshu degi jirtay laakiin maanta duruufa jiray iyo dagaaladii sokeeye awgeed ay ku yaraatay haba ugu xumaado gobolada ku yaal Somaliland marka sadexda dal laga gubo beeshu waxay xuduud iyo ood wadaag la tahay beelo kala dawan xuduuda ugu dheer waxay la wadaagtaa qowmmiyadda canfarta xuduudaas waxay ka bilaabantaa harada lac asal waxanay ku eegtahay magaalada Awash oo dheer ahaan isku jira ila 560km,oodwadaagta kale ama labaad ee ku xigtaa waxay tahay taa beeshu la wadaagto beel weynta kale ee samaroon oo ka soo biloow min Lughaya ila Arabi ay wada degan kaalinta sadexaad waxaa soo gali karaa taan ay wadaagaan beel weynta kale ee gurguree oo ay wada degaan min Diredawa ila Hurso waxaa ku soo xiga beesha Hawiye oo iyaguna ay wada degaan tuulada la yidhah Muli ila Mayso intaa waxaa dheer oo jira meelo kale oo ay beeshu la degto qowmmiyadda oromada, xaga iyo Somalilandna siiba gobolka saaxil waxaa jira meelo ay ka mid tahay magaalada Bula-xaar oo ciise la dego beel weynta habr awal marka isku soo wada duubo ciise wuxuu ood wadaag la yahay beelo soomaaliyeed oo kala ah:Gedabuursi,Gurgure,Issaq,iyo Hawiye iyo kuwaa aan soomaali ahayn sidaa Canfarta iyo Oromada,intaa waxaa sii dheer sadexdii magaalo(Saylac,Djibouti,iyo Diredawa) een soo sheegnay waxaa ku nool qowmmiyaddo aan la soo tiro koobi karayn oo gaalo iyo muslimiinba leh oo ciisana la dhaqma ab iyo isirna la ah dhib iyo dheefna way wada wadaagaan, intaas waxaan ku soo koobay sawirka guud ee beesha hadabaa iyado ay sidaa hayd waxaa sanadkii 1977kii mandiqadii ciisuhu ku noola ku soo biray dal cusub oo la yidhaahdo jamhuuriyada Djibouti madaxweynana waxaa ka noqday al marxuun Hassan Gouled Aptidon oo ahaa madaxweyni u horeeyey ee ciisa ka soo jeeda ee Djibouti oo xor ah majaraha u qabtaa arrinta dhalashada Djibouti ciise dhan waxay ku noqotay waa cusub oo beesha beryay geesda kalana waxay ahayd xasarad horle oo u reerku kusii tala galin ciyaar iyo xeelad aan horay loo aqoon karti iyo awood u baahanayd markiiba maxuun Gouled wuxuu qaatay siyaaasad ah dhedhexaad iyo in u gumeystihii Fransiisku si dadban dalka usii joogo si u ugaa badbaado hirdankii Somalia iyo Ethiopia oo haddi Gouled labada dal ee Somalia iyo Ethiopia mid raaci lahaa dagaalkii ka dhacay Somali galbeed wuxuu ka bilaami lahaa magaalada Djibouti, haddii Djibouti ka badbaaday in lagu dhex dagaalamo ciise kama badbaadin dagaaladii wajiyada badna ee soo maray geeska tusaale ahaan dagaalkii 77kii guushi gaabnayd ee ciidankii xooga dalka somalia iyo guuldaradii xigtay soomaali odhan way ka muuqada ila maanta laakiin ciise waxaa taa u dheer waxay tahay waa markii koobaad ee magaalada Diredawa ay gacanta beesha ciise ka baxday si ula kac ahna dawladi Mengisto u soo dejisay magaalada dad kale oo Oroma ahaa ila maanta ay degen yihiin guryihii beesha Mengisto bilaa sabab umasoo dejin dadka kale ee wuxuu ka urinaayay soomaalinimada iyo Djibouti daandaansi bal in ay u damqan karaan ummadooda haseyeeshee taasi ma dhicin reer Diredawana waxay u qaxeen Djibouti oo ay maanta ku nool yihiin dhacdada Diredawa waxay ahayd dharbaaxadi koobaad ee ciise iyo dawlada Djibouti soo food saartay walina xal waara looma helin.Sanadihii sagaashameeyadi(90) waxaa aduunka odhan wada gilgilay dhacdooyinkii iyo burburkii ku yimid qowadii reer bariga ee shuuciyadda taas oo degmadeena geeska afrikana aad u saameeyey oo keenay in ay Somalia dunto, Ethiopiana xukun cusub u gacan gasho, dhalashadi dawlada Erytreeya, iyo dagaaladi sokeeye ee soomaali aafeeyey ,iyo weerarkii ay soo qaaday jabhadii Frud oo dalka Djibouti intiisi badnayd si dhib yara ula wareegtay moodo gaaban mashaqadan waxay mar kale ciise ku noqotay arrin lama filan ah waayo sadexdii dal ee ay beeshu ku dhaqnaayeen mid walba halkiisay biyo ugu galeen oo waxaa dhan walba ka soo kuusay cudud iyo quwado ka tiro badan, Ethiopia oo laba Tigree(ethiopian&Erytrean) oo ilma adeer ah haystaan ayaa soo hujuumay gobolka shinile halka Oromana soo qaaday werrar oo ay Ugaaskii ciise marxuun Hassan(AUN)ugu hanjabeen in u sida ugu dhaqsaha badan magaalada Diredawa ugaa huleelo hadi kale ay kaadidoodu sidaa daadka u xambaari doonto jabhada Frud oo taageero xaga logisdiga ah ka helaysay dawlada Fransiiska ka sokoow waxaa la socday qowmmiyadda canfarta dhamaantood, gulufkuna kuma eegayn oo qudha Djibouti ee canfartu waxay soo hujuuntay meelo ka mid ah dalka Ethiopia siiba gobolka shiniile gaar ahaan degmooyinka gadhmalu ay ka mid ahayd dhanka Somalia(Somaliland) xaaladu way ugu xumayd sababto ah ciise wuxuu taageero siiyay xoogagii mucaaradka ku ahaa dawladii Siyad Barre ee SNMta sidaa darteed ciisaha waxaa loo arkaayay dad mucaarad ahaa oo ay ciidamadii Somalia loo fasaxay in ay meesha ku arkaanba kula dagaalamaan markay dawladi siyad dhacday ee Somaliland lagu dhawaaqay ciise wuxuu noqday beeshi ugu horeesay ee diiday gooni is taag aan laga wada tashan halkana waxaa mar kale ka dhacay dagaal iyo waji iyo meel cusub oo ay beeshu ka barakacdo isku wada duubo sanadihii 1989 ila 1996kii wuxuu Ciise ku ahaa taarrikh madoow in la xusanaa mudaan waayo waxay ahayd markii koobaad ee sadexda dal ee ciise dego dagaal saf balaadhan ah lagu soo qaado waana markii koobaad ee dawlada Djibouti si publique ah ugaa dalabtay in ay beeshu dagaal iskugu habar wacato ka dib markii jabhadi Frud ku soo dhawaaday qaar ka mid ah magaaloyiinka waawayn ee dal sida Dikhil iyo Tadjourah oo ay qaybo ka mid ah guduha usoo galeen codsigii madxweyne Gouled beesha ciise waxay uga jawaabtay si geesinimo iyo dhiiranaani ku jirto jabhadi frudna candhuuftooday dib u liqeen waxaa kalo xusid modan Oromadii ku hanjabtay in ugaas Hassan Hersi(AUN) daadku qaadi doonoo hadu si dhaqsa ah dhulka uga guuri waayo waxaa loogu tagay halkay iska soo habaabuleen Diredawana wali waa xarunda iyo saldhiga ugaas ciise,canfartii gadhmalu soo kulaashay waxaa laga sii qabsaday magaalooyin cusub u ciisuhu horey u deji jirin sida Cundhufa oo kale, guulaha is barkan ee ay beeshu soo hoysay dawlada Djibouti fijaan shaah ah kuma lahayn ee bal dawlada Djibouti qudheeda u baahnayd gacanta beesha iska daa garab ay siiso e waxay la daba joogtay hagardaamo iyo xagal daacin ay beeshu ka tirsanaysay madaxda dalka Djibouti, tusaale jabahadihii IGLF iyo USF tafaraaruqi iyo kala burburkii ku yimid waxaa farta lagu fiiqa in ay Djibouti soo farsamaysay waana shiki ay beeshu ka siman tahay daacadnimada iyo calool fayoobiday ay Djibouti u haysoo beesha.Walwalka iyo walaaca beeshu ma bilaamin 1990kii laakiin wuxuu ahaa mid soo jiidamaayay mudddo horaaba 3 habeen ka hor xornimaddii dalka sanakii 1977kii oo imika laga soo wareegay 34 sano waxaa xeebta saylac ka dhacay shirqool iyo dhagar la xadhig mareegay kaas oo lala beegsaday madaxdii jabhadi xoreynta xeebta soomaaliyeed(FLCS) oo madaxda u ahaa ruug cadaaga caanka ah ee Aden Robleh Awaale iyo ku xigeenkiisi JANAALE oo isaga halka lagu qaaraajiyay iyo Aden Robleh dhaawac ka soo gaadhay lugta uu ilaa maanta ka dhutina laga tuugtay ma jirto cid wax ka og xitaa Aden Robleh si madax banaan uma sheegi karo cidii ka dambaysay iyo sababta dilkooga laga lahaa, dibin daabyada qarsoon ee beesha ka soo wajahay dawlad Djibouti kuma joogsan intaa ee sanadkii 1989kii waxaa magaalada Diredawa si waxashnimo mar kale loogu xasuuqay madaxdii jabhadi xoreynta soomaali galbeed(WSLF)oo u hoggaanka u ahaa marxuun Xamuud LANGADHE iyo ku xigeenkiisi DUALE ,dilal qarsoon ee aan la fahmayn meesha laga soo maleegay ee ku aadan saraakiisha madaxda,tujaarta aqoonyahanka,siyaasiyinta,beesha waxay ka soo talaabeen xuduudaha dalalka ay Djibouti jaarka la tahay oo markan waxay u soo gudbeen gudaha dalka Djibouti manaa jirto cid aan ogayn arrinta oo dadka reer Djibouti way ka dhereegsan yihiin intaa sarkaal ee ciisa ah ee tan iyo marki calanka la qaaday ku maqan shirqool daboolan oo aan magaciisa la aqoon ama aan laga daba hadli karayn cidii iyo meeshi laga soo min guurshay halka beelaha kale ee ay reer Djibouti ka kooban yihiin aan lagu ogayn hal nin oo hal door ah oo sidda raga ciise miciyo sumaysaan qaniineen ragaas oo lagu qiyaasay in ay kor u dhaafayaan ila 30 nin dadka qaarna waxay leeyihiin sanad walbaa ama labadii sanaba waxaa birta laga aslaa nin ciise oo miisan iyo maasuus ku leh beel weynta,suuyaalka reerkana laguma arag oo luguma maqal arrintan oo kale xiitaa ma dhicin talisyada guracna ee soo maray taarrikhda geeska sida guumeystashii reer yurub iyo boqortooyinka Ethiopia iyo maamulkii Ali Aref oo intabaa lagu haystoo in ay beesha gafaf u geysteen wakhtiyadii tagay.Hadabaa suaashaa meesha taal waxay tahay muxuu yahay maskan aasan ee marku ciisha miciyada liqsiiyo aan waabaydiisa iyo hurgumadiisa laga bugsan karayn in la xabaalo moyee??? Sac geeskiisu wareemay walee waa oday ka sheegee.Fiiro Gaar ah Qormadaan waxay warbaahinta ku soo baxday mudo maanta laga joogo 7 sanno ka hor ,7 sanno ka dib iyo Xaalada maanta ciise ku sugan yahay qof walba ada og Haddi shalay aan ka hadlaynay siyaasin iyo Indheer garad ciise oo siyaabo kala duwan ugu maqan waran ay dadku wada ogeyn meesha laga soo gamay maanta degaanaddi ciise lahaa ka bilow Djibouti ma jirto meel aad odhan karto dadki ilaahay ku beeray ayaa gacantooda ku haysta.