Xal Laga Gaadhay Ciidamo Gadoodsan Oo Shalay La Wareegay Bankiga Dhexe Ee Garowe

Garoowe(XeerNews)September.26,2016-Ciidamada Sirdoonka Puntland ayaa shalay la wareegay Bankiga Dhexe ee Garowe, kuwaasoo ka gadoodsan mushaar la’aan muddo bilo ah soo wajahday, iyadoo tallaabadan ay saameyn ku yeelatay howlihii Bankiga.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa xalay saqdii dhexe ku guuleystay in ciidankan gadoodsan inay ka baxaan xarunta bankiga, iyadoo laga qanciyay tabashadii ay qabeen ee ku saabsanaa mushara la’aanta.

Ciidamadan oo watay gaadiidka dagaalka ayaa isku hareereeyay xarunta bankiga dhexe ee Garowe, waxaana ay khal khal geliyeen dadka deegaanka oo ka cabsi qabay isku dhacyo ka dhasha.

Ciidamadan ayaa la sheegay in aanay muddo 7 bilood ah mushaar qaadan, waxaana ay ku eedeeyeen Mas’uuliyiinta Puntland in aanay iska xil saarin xuquuqdooda.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland oo ku saabsan gadoodka ciidamada ay sameeyeen iyo la wareegitaankooda bankiga dhexe.