Chief Caaqilka Guud Ee Beelaha Badaraxaan Oo lagu caleema saaray Ceel-lahelay

Hargeysa(XeerNews24)-

Caaqil Cusub oo la yidhaahdo Caaqil Salaan Axmed Cali oo ay doorteen Beesha Badiraxmaan ee Mamaasan ee (Beel Weynta Ciise ), ayaa si weyn Shalay loogu caleemo saaray Deegaanka Ceel-lahelay ee waqooyiga Hargeysa.

caaqil-salaan
Chief Caaqil Salaan Axmed Cali oo si rasmi ah loogu caleemo-saaray xilkaasi Shalay , kadib markii tashi iyo talo bixin badan ay isugu yimaadeen odayaasha iyo waxgardka culimada beelaha BaCabdiraxmaan ee Maamaasan Ciise .

Xaflad ballaadhan oo ay isugu taageen madax-dhaqameedka, siyaasiyiinta, waxgaradka, culimada iyo dhallinyarada, laguna qabtay deeagaanka Ceel lahelay , ayaa si rasmi ah loogu caleemo-saaray caaqilka cusub Chief Caaqil Salaan Axmed Cali oo somaliland Beeshisa Mamaasan u matali doona talada isga oo aan marnba ka hor imaneeny xeerka ciisaha taldana u daba fadhiya Ugaaska Ciisa ha ee Ugaas Mustafe .
Xubno madaxdhaqameed, siyaasiyiinta, culimo iyo qaybihii kale ee ka qaybgalay xafladda oo hadallo ka jeediyey madasha, ayaa soo dhaweeyey caaqilka cusub oo ay siiyeen dardaraano waano oo ah la xidhiidha xilka culus ee uu qaaday inuu si caddaalad ah ugu shaqeeyo, isla markaana ugu duceeyeen in Alle u fududeeyo, kuna asturo waajibaadkiisa iyago geesta kalana ugu baaqay dhammaan cidda ay khusayso inay gacan siiyaan, kulana shaqeeyaan chief-caaqilka cusub rabitaanka beeshu ku dooratay Dhaqan iyo dowladba .
Caaqilka Cusub Beesha Badirxmaan ee (Beel Weynta Ciise ) oo ugu dambeyntii ka hadlay Munaasibadda lagu Caleemo saaray ayaa si weyn uga mahadceliyey Beeshiisa Caaqil nimadda u dooratay iyo marti sharaftii kale oo munaasibadaasi ka soo qeybgashay waxaanu balan qaaday in uu dadkiisa doortay daacad u noqon doono sida ay doonaana ku adeeci doono sidii cadaalad ah waxaanu yidhi”

caaqil-cusub