Raad-raaca Geedka Qaadka :Qore Cali Coomay

Astaamaha Geedka
Muuqaalkiisu waa cagaar, wuxuu leeyahay magacyo kala duwa. Wuxuu ka baxaa dalalka, itoobiya, kiiniya, yuqaandha, tansaaniya, bariga za’iir( koongo) ilaa koonfur afrika. Muddo ka dib wuxuu u gudbay yaman iyo sacuudigia. Qarnigii labaatanaad ayuu soo galay dhulka soomaalida
Dalalka geedka Qaadku ka baxo
Meelaha uu ka baxo
1. Itoobiya gaar ahaan , Harar, diridhabe, kafaa iyo shawaa
2. Kiiniya gaar ahaan, gown, khuyuulo
3. Yaman…………dhammaan dalka oo dhan
4. Soomaaliya iyo somaliland gaar ahaan, galbeedka Hargaysa in yar ayaa ka baxda
5. Sacuudi Arabiy gaar ahaan, Al-suraah, Viiva, Banii maalik iyo Arrayth
6. Muusaambiig gaar ahaan, Gaaza-Khayranda
7. Ruushka iy Afgaanistaan meelo ka mid ah, balse magacyadooda ma hayo
8. Tansaaniya gaar ahaan, Hananji, Afyuumi, Baari, Nagooro, Roongaw, Mayuuzi, Mankoondi iyo Asbihaal
9. Malaawi gaar ahaan, Diidazaa, Balaantiira, Malaanji
10. Marooko, Tuunisiya, Al-jeeriya iyo Niyuu siilaan( new zealand) meelo ka mid ah dalalkaa, magacyadooda ma hayo
11. Yugaandha gaar ahaan, Kiifiizi, Kazamooyo, Boogiisho, Mixraawa, Dabaasiya iyo Kagoon
12. Wadamo afrika koonfureed ah, Natal, Taransifaal iyo Wayndafooqal
Magacyada loo kala yaqaan qaadka
1. Yaman waxa looga yaqaan Qaat iyo Kaat
2. Itoobiya ‘’ ‘’ ‘’ Jaat, KHaat iyo JImmace
3. Soomaliya ‘’ ‘’ Jaad iyo Qaad
4. Kiiniya ‘’ ‘’ Kaat, Muuringi, Miyoongi iyo Miraa
5. Yugaandha ‘’ ‘’ Mustayt, Mutabangwa, Nagungo iyo Kitaandwe
6. Tansaaniya ‘’ ‘’ Mulungi , Warfa, Mandoona
7. Malaawi ‘’ ‘’ Mustsawiiri, Mustawaari
8. Koonfur afrika ‘’ ‘’ Bushmaansi Tii
Sooyaalka Geedka Qaadka
Sida ay sheegeen taariikhyahannadu geedka qaadku wuxuu ku siman yahay saddex boqol iyo konton sanno ka hor dhalashadii nebi ciise( N.N.K.H). boqor wakhtigaasi noolaa oo la odhan jiray Aligsandarkii weynaa oo xukumi jiray dalka Masadooniya ( koonfurta yurub) ayaa qaad u soo diray Janaraalkiisii oo la dhan jiray Harrar, si uu isaga daweeyo cudur maskaxeed keena walbahaar iyo walaac. Oo afka qalaad lagu yidhaa Melankooliga ( miraab, 1929). Wakhtiyadii dambe waxa soo baxay in qaadka iyo candhuuftu dawo yihiin, waxaana sheegay baybalka kiristaanka ee Borotastanku aaminsan yihiin. Waxaana loo adeegsan jiray in wax lagu bogsiiyo. Soo bixitaankii islaamka lama sheegin qaadka iyo meelo lagu isticmaalo.

Waa maxay Qaadku?
Aqoonyahanno badan iyo qorayaal ayaa si kala duwan uga hadlay qaadka. Markaad eegto nurxuka hadalkooda waxay isku raacasan yihii in qaadku yahay maandooriye. Bal aynu soo bandhigno aragtiyaha aqoonyahanada iyo qorayaasha.
1. Qaadku waa geed maanka dooriya oo caleemihiisa la calashado, oo aan midho iyo ubaxba bixin. ( Dawiilah, 1986)
2. Qaadku waa geed la beero oo kol kol aad u weynaada oo caleemihiisa laga ganacsado. Waana la calashadaa, waana maandooriye. Wuxuu ka mid yahay dhirta maanka doorisa, sida xashiishada iyo afyuunka ( Yaasiin C. Keenadiid 1976)
3. Qaadku waa geed maanka dooriya, aadna sun u ah. Khamradana ka waxyeello badan ( DR. Faraji Zahraan, 1983)
4. Qaaku waa geed mukhaadaraad ah, caafimaadkana u daran sababtuna waa maadada loo yaqaan “ Cathine” amma Kaathiin. ( Cizat Xuseen, 1986)
5. Qaadku waa geed ka baxa Bariga afrika, Soomaaliya, Kiiniya, Itoobiya iyo Muusaambiig. Dhinaca waxyeellada wuxuu u dhexeeyaa Kookeynta iyo Afyuunka ( Al-Gayaamah, 1411 H)
6. Qaadku waa maskax dooriye, dalkana wuu ku faafay. Caqliga ayuu dhaawacaa. Xagga dhaqaalaha, bulshada, akhlaaqada iyo caafimaadka ( Cali Sh. C/laahi Yalaxow,1988)
7. Qaadku waa maan dooriye, qofkana ka dhiga mid firfircoon. Haddii uu joogteeyo ( Peters, 1952)
8. Qaadku wuxuu keenaa, hurdo la’aan wuxuuna dhib u geystaa dareemayaasha. Waana maskax dooriye. Wuxuu dhaawacaa maskaxda iyo laf-dhabarta. Waxa ku jirta maado la yidhaa “ Tannins” oo si gaar ah waxyeello u geysta dheefshiidka ( Axmed Fakhri,1975)
9. Qaadku waa mukhaadaraad fudud oo laga helo geedo noocyo kala duwan ah. Dhererkiisuna marmar gaadho lix mitir ( L. Szimonisz)
10. Qaadku waa shaydaan geed loo eekaysiiyey ( M. Maxamuud Az-Zubayri, 1958)
11. Qaadku waa geed qofka cuna ka dhiga mid firfircoon ( Ibnu Batuuta)
Dhulka uu ka baxaa wuxuu ka sareeyaa 400-900 fuudh. Dhererkiisu wuxuu gaadhaa hal ilaa laba mitir buurta dusheeda. Buurta hoosteeda ee biyaha leh wuxuu gaadhaa lix mitir. Jiridiisu waxay gaadhaa ilaa nus mitir ballac ahaan. Dhul-badhaha kulka iyo biyaha lehna wuxuu gaadhaa illaa 25 mitir.

Buugta iyo cilmi baadhista qaadka ka hadlaya
• Islaamka debadii buugii ugu horeeyey ee qaadka laga qoro wuxuu ahaa buugga la yidhaa “ walxaha lagu walfo”. Waxaana qoray Najiib As-samaarqanddi. Waxaana la qoray sannadkii 1237-kii. Qayb ka mid ah buuggaasi oo qaadka ka hadlaysa wuxuu yidhi” waa geed ka baxa kiilwaa ( waa kiiniyadii wakhtigaasi) oo loo adeegsado firfircoonida iyo dawada walaaca ee cudurka Melankooliya.
• Taariikhyanka la yidhaa “ Al-caamiriyi oo qoray buug la yidhaa Masaalikul Absaar oo la qoray muddadii u dhexaysay 1249-1342 wuxuu si faahfaahsan uga hadlay qaadka. Isagoo ka hadlaya wuxuu sheegay” waa geed xabashiyeed oo aan lahayn midho, laakiinse la cuno laamihiisa jilicsan ee yar-yar. Waxaanu qofka ka maaransiiya cuntada, cabbidda iyo galmada. Waxana cuna kuwa ay mushkiladu haysato amma soo jeedaya habeenkii iyo waliba kuwa doonaya inay shaqo deg-deg u dhammeeyaan. Sida dadka yamaneed maandooriyaha qaadka u jecel yihiin ayey hindiduna u jeceshahay maandooriyaha Batal.
• Waxa jiray buug ku qoran af-xabashigii hore ee Jiis. Waana buug aad u facweyn. Waxan la qoray wakhtigii itoobiya xukumayey Boqorkii la odhan jiray Amda Saayon. Waxaanu xukumayey itoobiya 1314-1344-kii. Kacdoon ayaa kaga kacay qaybo itoobiya ka mid ah, ka dib wxuuu dhaqangaliyey beeridda iyo cunnida qaadka, si dadkaasi ay uga jeestaan kacdoon ka, kuna mashquulaan qaadka, si dadkaasi ay uga jeestaan kacdoonka, kuna mashquulaan qaadka oo loo naanaabiyo. Arrintaasina wuu ku guulaystay, oo sidii uu doonayey ayey u dhacday.
• Taariikhyahan kale oo la yidha Al-maqriisi oo noolaa qarnigii shan iyo tobnaad , ayaa ka hadlay qaadka. Waxaanu yidhi”reer saylac waxay cunaan geed aan midho lahayn, oo caleentiisu u eegtahay ta liinta. Dadka ayaa cuna caleentiisa marka ay cunaana waxay kordhisaa fahankooda, waxayna soo nooleysaa arrimihii ay illaaween. Caleentaasi waxay hoos u dhigtaa xiisaha cuntada iyo galmada. Qofkana waxay ka kaxaysaa hurdada.
• Caalim reer yamaneed ahaa oo la odhan jiray Abii-Bakar ayaa ka hadlay qaadka, waxaanu yidhi” qofka cunaa wuu mirqaanaa, waxaanu ka guura murugada. Laba saacadood ka dib waxa ku habsada qofkii walaac iyo walbahaar ka fara badan kii hore. Akhlaaqaduna way ka xumaata. Wuxuu ka-kaxeeyaa xiisaha cuntada iyo raaxadii hurdada. Wuxuu dadka ka soo daadiyaa kaadida iyo shahwada. Wuxuu hadlakan sheegay caalimkani muddo imika laga joogo afar boqol oo sannadood.
• Dabayaaqadii qarnigii 18-aad ayuu boqorkii Danmaark ee la odhan jiray Firidriggii shanaad u diray dhulka yamanta koox culumo ah, oo qaadka soo baadha. Nin ka mid ahaa kooxdaasi ayaa ka hadlay qaadka waxaanu yidhi” geedaha cusub ee aanu ku aragnay yamanta waxa ka mid ahaa qaadka oo ka dhexbaxa bunka, waxaanu ka baxaa gunburaha dushooda. Caleentiisa yar-yar ayaa la calaliyaa, yamantuna si xoog leh ayey ugu walfeen. Yamantuna waxay qabaan in dheefshiidka caawiyo, cuduradana difaaco. Waana markii ugu horaysay ee reer yurub ka hadlaan geedka qaadka iyo waxyaabaha ay ku arkeen.
• Nin dhirta aqoon fiican u leh oo la odhan jiray Bool Boota ayaa yamanta yimid sannadkii 1841-kii. Waxaanu k hadlay geedka qaadka waxaanu yidhi” geedka qaadku waxa laga beeraa tuulada la yidhaa Haajif oo ka korraysa badda 2200-2400 fuudh. Waa laga baayacmushtaraa, aad ayaa loo jecel yahay. Wuxuu dooriyaa maanka, wuxuu dejiyaa dareenka, wuxuu kexeeyaa hurdada. Laakiin muddo kooban ayuu saamayn yeeshaa. Markii faransiisku helay warkii Boota ayuu kooxo kale oo cilmi baadhis sameeya u diray dhulka itoobiya. Waxaana sidaasi yeelay ingiriiska.
• Dawlada Boqortooyada ingiriiska ayaa soo dirtay nin la yidhaa Richard Burton oo si weyn uga sheekeeya dhulka somaliland. Wuxuu maray dhul badan, wuxuu ku hadli jiray af-carabiya. Taasina waxay u saamaxday inuu sheegto Sheekh, oo dadku aaminaan. Wuxuu yimid magaalada Harar sannadkii 1854-55-kii wuxuu sheegay in magaalada ku noolaayeen 8,000 oo qof. Wuxuu qaadka ku sheegay” qaadka waxa cuna madaxda sar-sare caleenta yar-yar inta l ururiyo, lana qooyo,lana tumo, ayaa laga dhigaa kuus-kuus sida kubbadda oo kale ka dib daanka ayaa la dhigaa. Culimada Harar sidii kuwa yamanta ayey qaadka u sheegeen Quutal- Awliyo. Waxay qabaan inuu faa’ido weyn leeyahay. Sida qalbiga oo laga faro,hurdadoo yaraata. Cuntada isagaa kuu galaya. Reer Harar maalin kasta way cunaan, waxayna bilaabeen 9-ka subaxnimo illaa duhurka. Qoraaga Richar Burton wuxuu aaminsan yahay in geedka qaadku ka yimid Harar ka dibna yamanta u gudbay.
• Sannadkii 1870-kii caalim Turki ah yaa tegay yaman, waxana la odhan jiray Axmad Rashaad. Wuxuu baadhis qoto dheer ku sameeyey geedka qaadka. Waana ninka keliya ee si faahfaahsan uga hadlay qaadka. Isagoo hadlaya wuxuu yidhi” geedka qaadku saddex qaybood ayuu u kala baxaa. A) mid xagga maskaxda raadayn xoogan ku yeesha, kana awood badan xashiishada, kaaso qofka ku keena waalli toos a.B) midka labaad wuu ka awood yar yahay kii hore, wuu keena sakhrad, balse awood badan ma laha. Wuxuu u dhigmaaa khamriga la yidhaa Raaki. C) midka saddexaad ma laha awood xoogan, waxa laga qaadaa soo jeed keliya. Muwaadiniinta yaman dhammaantood qaadku wuuu saameeyey, qofkii saboolka ahaa iyo kii taajirka ahaaba. Qofkii kuuliga ka soo shaqaystay 5 Qirish maalintii, 4 Qirish ayuu qaadka ku iibsanayaa. ( Qirish waa lacagta yaman). Marka laga reebo wakhtiyada shaqada qaadka cunnistiisu xad malaha, waxa la cunayaa duhurkii ka dib illaa waabariyga. Waxay leeyihiin mafrashyo waaweyn, oo la isugu yimaado, oo qaadka lagu ruugo. Haddii qaadku yaraado reer yaman waxay u arkaan in masiibo dhacday.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac
Hadimada Qaadka…………Maxamad Cabdi Daa’uud
Dhibaatooyinka Qaadka…….C/naasir Jaamac Warsame