Waa Kuma Ninka looga dambeeyo arin kasta oo ku saabsan Gobolka Salal qaybta koobaad

Waxaan ku bilabayaa,adduunyadan aan ku noolnahay, waa mid ilaahay weyne
ugu talagalay inay Hadaba wax iska bedelan,ha ahaato xaalad kasta oo ku saabsan
ummadaha ilaahay ku abuuray,ama ha ahaato cimiladda. Ummadda ilaahay ku
abuuray waa ay isbedisha oo kuwii horay u soo jiray ayaa geeri ku timada,kuwa
kale ayaa dhasha,kuwii  majaraha u hayay ayaa geeriyooda,kuwa kale ayaa
hogaanka la wareega,sidas darteed,waxa  la odhan kara waxkasta waa isdaba
wareegto.
Aan u soo gondadego ujeedadayda’ee  ee ah Wakuma ninka looga dambeeyo
arrinkasta oo gobolka Selel ku saabsan?. Dadka u dhuun daloola arrimaha SL
iyo wixii ka dambeeyey geeridii alle ha u naxaariiste marxuum M.I.Cigaal,madax-nimada somaliland,waxaa la wareegay Daahir Rayaale.,oo is la marka madax
ka noqoday xisbigii UDUB ee horay u asaasay M.I.Cigaal. Rayaale oo dhalasho
ahaan ka soo jeeda gobolka hadda loogu yeedho Awdal wuxuu,ku xadgudbay waxyaabaha qaarkood,sida  soo raacintii degmada Lughaya u soo raaciyey Borama, iyo xayiraadii  u saaray 6 goobood inay doorasho ka dhacdo.,uljeedada
ugu weyn ee u ka lahaana waxa ay ahayd in ayna beesha Ciise dad  u metela
golaha wakiiladda la soo dooran,waa ayna u hirgashay oo ilaa hadda Ciise kuma
leh cid metasha golaha.waqtigas oo ahaa 2005-dii. markii u dambaysay ee la soo
doortay golaha wakiiladda ee hadda jira.Rayaale wuxuu noqoday Ayax tag eelna
reeb.
Shakii ayaa igaga jira,inuu ahaa 2010kii,iyo inuu 2012kii,markii doorasho lagaga
guulaystay xisbigii UDUB ee u guulaystay xisbiga Kulmiye ee hadda xisbi-xaakima
ah ee madaxweyne A.M.Siilanyo noqday madaxweynaha Sl. Madaxweyne Siilanyo
isaga oo soo ka jeeda beesha dhexe,wuxuu u baahday inuu beelaha darafyada midkood ka dhigo m/xigeenka, haseyeeshee,laga yaabo inuu la jecla inuu noqdo
nin ka soo jeeda beelaha bariga,balse ay suurtagal noqon weyday,waxaa qasb
ku noqotay inuu ka dhigo Saylici.Sida dad xog ogaalihii sheegeen,Saylici,wuxuu
ku xidhay Siilanyo oo u shuruud uga dhigay,inuuna Siilanyo ku faragelin arrimaha
ku saabsan gobolka Selel,oo isaga uun uga dambeeyo,Siilanyana u ka aqbalay,
beesha Ciisana waa ay ka warqabta samaynta weyn ee ku leeyahay Saylici gobolka
masuulyadasna,waxaan kula xisabtami doona  Siilanyo.
Alla mahadleh
la soco qaybta Xigta…….
Jaaliyada beesha Ciise ee Germany.