Boqotooyadda Sacuudiga oo ka digtay in lagu Dacweeyo Weerarkii 11-kii Septambar lagu Qaaday Maraykanka

 

Jeddah-(XeerNews24)-

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ,ayaa baaq u dirtay aqalka Congress-ka Mareykanka , waxa ayna ka codsatay xubnaha aqalkaasi in aysan u oggolaan elehada Dadkii ku dhintay weerarkii 11-kii September 2001-dii in ay a tallaabo ay ku dacweyn karaan Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay diidmadii ay Golaha sare ee Maraykanka ka keeneen codkii qayaxnaa ee Madaxweyne Brack Obama uu ku laalay dacwadda ka dhanka ah maamulka Riyaadh.

Waxa ay sheegtay Sacuudiga in tilaabadan iyada lagu dacweynayo ay yeelan doonto saameyn aad u xun oo dhinaca xariirka diblumaasiyadda ah, waxayna uga digtay Mareykanka in ay ka fiirsadaan kiiskan.

Madaxweynaha Mareykanka oo kasoo horjeeday in Sacuudiga lagu dacweeyo weerarkii ka dhacay Mareykanka 2001-dii, ayaa sheegay in dacwaddan ay halis galineyso Saraakiisha iyo Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Dalka dibaddiisa.

Waxa uu tilmaamay Madaxweynaha Mareykanka in Saraakiishooda iyo ciidankooda Dibadda ku nool in ay iyana wajihi karaan in la dacweeyo laguna soo oogo dambiyo kala duwan.

 

Madaxweyne Brack Obama, ayaa dhwaan laalay dacwad ka dhan ah Sacuudiga, isagoo sheegay in haddii tallaabadan la qaado ay meesha ka baxayso xasaanadda waddanka, lagana yaabo inuu wiiqmo xiriirka saaxiibtinimo ee Sacuudiga iyo Maraykanka.

Ehelada dadkii ku dhintay Weerarkii ka dhacay dalka Mareykanka September 11 -2001-dii ayaa doonaya in ay dacwad kusoo oogaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya si ay uga helaan magdhaw laga bixiyo dadkii laga dilay.

Source;agencies