Hashu Maankaygii Gadaye Ma Miishaarbay Liqday

Salaanta islamaka kadib,

Bal waxaan raba inaan isku dayo sida aniga ila tahay,

wax ka iftiimiyo,waxa looga guulaysan layahay alshabab,iyada oo dalka joogan
ciidamo sida la sheegay gaadhaya dhawr iyo labatan kun oo ka  kala imiday
dalalka Afirkanka ah,sida Ugandha,Buruundi,Ser.Lioon, Ethiopia iyo Jabuuti,
waxa intas dheer ciidamada somalia.Waxaa kale oo jirta dalal xaga hawada
ka taageera sida Maraykan oo adeegsada diyaaradaha loog yaqaan Drones,
kuwasoo  hawada ka duqeeya saldhiyada alshabab.
Hadaba iyada oo intas oo dhani jirto,waxa la odhan kara,wali fari kama qodna
in laga guulaystay alshabab,marka la eego,qaraxyad,iyo dilalka qorshaysan ee
ay ka fulinayan dalka,sobobta ugu weyn ee keenaya guuldradasna,dadka ku xeel-dheer arrimaha dagaalada,waxa ay horrayba u cilaamiyeen,in ciidan ajalnebi
ka guulaysan karin alshabab,sobobo badan awgood. Sobobta ugu horraysa waa
iyaga oo aan dhulka ay  kula dagaalamayaan alshabab aqoon u lahayn, sobobta
labaadna  waa dagaal ah ku dhufoo ka dhaqaaq. Midda kale ee guuladrada keentay
waa,qaab kale oo aan dagaal ahayn in lagula tacaalo ayay ahayd,waayo,dagaalam-
yaashu waa dhalinyaro somaliyeed,oo ay ku kaliftay inay ku biiraan alshabab,
markay arkii waayeen  nolo kale oo dhaanta. Waxaa kale oo aad u muhiim ahaa
in lagala manshiqqodo caqiidada ay rumaysan yihiin.
Mid kale ayaa muuqatay,waxaana weeye,dagaalka lagula jiro alshabab,in lagu
guulaysto la iskuma raacsana dalka gudihiisa iyo dibedaba,waayo,alshabab hubka
cunaqabatayn laga saarin,sidas darteedna waa ay ka hub badan yihiin ciidamada
Somalia,waxa tas dheer dhaqaalaha  ay kusoo jiidanayaan dhalinyarada xagay ka
helan,baabuurta ay kasoo buuxinayaan qaraxyada,ayaa siiya.Isku soo wada xooriyo,waxaa mihiimadu tahay, in wax laga bedelo qaabka hadda wax ku socdan.
Alle mahadleh
Qore:H.M.Warsame