Sacuudi Carabiya oo Lacagta u taal Mareykanka qaadaneyso kadib markii dagaal xun ka dhex biloowday?

 

Riyad(XeerNews24)

Boqortooyada Sacuudiga ayaa la filayaa iney Balaayiin Dollar oo Hantideeda ah kala baxdo Hantida ka taala Mareykanka kadib markii uu dagaal xun ka dhex biloowday labada dowladood.Dalka Boqortooyada Sacuudi Caraabiya iyo dalalka ay jaalka yihiin ee Khaliijka ayaa la filayaa iney qaadaan talaabo aargudasho ah

oo ay kaga aar-gudanayaan go’aanka Kongereeska Mareykanka uu ku laalay ama waxba kama jiraan uu ka soo qaaday Awoodi diidmada ee veto uu u isticmaalay Madaxweyne Barack Obama kadib markey Labada Aqal go’aan ku gaareen in dadkii ku geeriyooday iyo kuwii dadkoodu ku dhaawacmay iney dacwad Maxkamadaha Mareykanka uga furi karaan Dowladda Sacuudiga iyo Shaqsiyaadka ku lug yeeshay weerarkii 11 Sept ee 2011ka.

Aar-gudahada Boqortooyada Sacuudiga iyo Xulafadiisa waxaa ku jira in xayiraad lagu soo rogo Isticmaalkauu Mareykanka isticmaalo

saldhigyada sacuudiga iyo guud ahaan Khaliijka iyo in dib loo eego amaba hakad la galiyo maalgalinta uu Sacuudiga maalgaliyo mashaariicda ka dhaxeysa labadan Dal.

Professar dhiga Cilmiga Siyaasadda oo lagu magacaabo Abdulkhaleq Abdallah oo arrintan ka hadlaayay ayaa sheegay iney caadi tahay in haddii wax loo dhimo dal Khaliijka ka tirsan in dhamaan ay la saftaan dalkaasi laga gardaran yahay,waxaana hubaal ah iney khaliijiyiintu la safan doonaan Sacuudiga ayuu yiri prof-ka
Shalay oo ay Arbaco aheyd Aqalka Kongareska waxay si buuxda isugu raaceen in aanay waxba ka jirin amo ay laaleen diidmadii uu codka veto ku diiday Madaxweyne Obama sharcigaasi lagu dacweyn karo Sacuudiga.

Safiirkii hore ee Mareykanka u fadhin jiray Sacuudiga Chas Freeman ayaa wakaalada AP la hadlay isagoo qeexaya dhibaatada ay arrinta Danaha mareykanka ee ka leeyahay Mandiqadan ay saameyn balaaran ku yeelan doono Duulimaadyada uu Mareykanka Ciidamadiisa u kala goosha Aasiya, yurub iyo saldhigyada uu Mareykanka Qatar ku leeyahay
ee uu u kala socda Afganistan,Ciraaq, iyo Siiriya ayuu yiri Safiirka hore.

Safiirka oo sii hadlaayay waxa uu sheegay in arrintani ay sidoo kale saameyn doonto dagaalka lagula diriraayo Argagaxisada ee Mareykanku hormuud ka ka yahay.
Madaxweyne Barack Obama oo isna ariinta ka hadlaayay, waxa uu sheegay in sharcigani uu yahay mid wax u dhimaaya Xasaanada ay dalalka leeyihiin ayna dalal fara badan marmarsiinyo u heli doonaan iney Maxkamadahooda dacwad uga furaan Muwaadiniinta, wuxuu si gaar ah usoo qaatay dilkii Xaqdarada ahaa ee ay Dayuuradaha aanu duuliyuhu wadin ay si qaldan ugu geysteen Dad aan waxba galabsan in lagu dacweeyo Mareykanka muwaadaniintiisa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga oo bishii tagtay ee June la hadlaayay Wariyayaasha ayaa u sheegay in arrintan Sharciga ay tahay cida wax badan ku waayi doonto oo ku qasaari doonto Mareykanka,wuxuu caddeeyay in haddii sharcigaasi uu noqdo mid dhaqangala
Sikastaba ha ahaatee  arrintan wax badan ayay ka badali doontaa Siyaasadda Dunida,gaar ahaan meelo fara badan oo dab ka hol-caa,waxaayna tani na tusineysaa in dunidan aynu ku nool nahay ay tahay Danley cid walibana ay ilaashaneyso Danteeda iyo maslaxadeeda

Qore:Cabdirahman Nuur Diinaari