Waa kuma ninka looga Dambeeyo Arin Kasta oo ku saabsan Gobolka Salal Qaybti Laabaad

Waxaan jeclahay,
Inaan qoraalkan kooban gaddaal ka raaciyo mid horay ugu soo
baxay xeernews24.com,madaxiisuna ahaa (waa kuma ninka looga dambeeyo
arrinkasta oo gobolka Selel ah),Sobobta dib igu soo celisay inaan si,amba qaado
qoraalkas waa arrin madaxayga ka weynatay in nin aanan gobolka ka soo jeedin
daacadna ka  ahayn inuu wax u qabto,loogu ogaaladay in looga dambeeyo isaga
uun,isaga oo waliba la sheegayo inuusan taageero buuranba ka ahaysan gobolka u
ka soo jeedo ee Borama.
Ma/ne/K/xigeen Saylici,waxaan filaya inuu  dhalasho-ahaan ku abtrsado oday
magacaas la odhan jiray Saylici,oo qariib ahaan u degay Jabuuti,hase yeeshee
isaga oo qariib ahaa doonay haddana inuu siyaasadii lagaga xoraynayay Fransiiska
Jabuuti isku dayay inuu kasoo horjeesto,balse geesiyaashii u qalab qaatay inay
Jabuuiti ka xoreeyaan gumaysiga khilaaf xoogani dhex maray isaga. Khilaafkas
wixii ka dhashay dadka xugogaalka u ahaa ee maanta nool waa ay yaryihiin,hase
yeeshee,in badan oo maqashay ayaa nool wali.
Hadaba Mr.Sayliici,waxa uu u codsaday,inuu go’aankasta oo ku sabsan Selel u
isagu yeesho,waa AARGOOSI kaliya waxa uu doonayo.Waxaan ognahay inuu
kala dilaalo kuwa u dhashay gobolka ee doonaya inay xilal ka qabtaan gobolka,
isaga kii u ka dareemo inuu waxa fiican ka wado gobolka,degdeg uga bedela oo
mid kale oo isleeyahay waxba kama qabanayo gobolka lagu bedelo,hase yeeshee
nasiibdarro waxa ah  shacabka iyo siyaasiinta kuwa isku sheega  oo aan wali fahmin.
Waxaase ah mid aanan laga filaynin inuu madaxweyne Siilanyo oglaado arrin
caynkas ah oo wax lagu yeelayo bessha  Ciise. waxaanan xasuusinayna Siilyanyo
waa beesha kaliya ee iskaa garab taagtay markaad u baahnayd,balse abaalkii
wuxuu noqday  WANKA MACSHA II QABO,MINDIDA AAN MARIYE:
Alle mahadleh
Qore:
H.M.Warsame
Jaaliyaada Beesha ciise ee dalka Jarmalka