Daawo Wararkii Ugu Danbeyay Rabshado ay Dad Badan ku Dhinteen oo ka Dhacay Gobolka Oromiya & Meydad God Laga Soo Saaray (Daawo Sawirro)

 

Dowladda Itoobiya ayaa qirtay iney dad ay ku dhinteen rabshado ka dhacay magaalada Bishoftu oo ka tirsan gobolka Oromiya.

Rabshadaha ayaa bilowday markii dad ka qeyb galayey caado diimeed ay mar kaliya bilaabeen iney sameeyaan mudaaharaad ay kaga horjeedaan dowlada.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka Oromada ee OFC Merera Gudina ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in dadka dhintay ay u geeriyoodeen isbuurasho goobta ka dhacday, kadib marki ay ciidamada booliska rasaas cirka u rideen si ay u kala eryaan dadka mudaaharaadayey.

Suxufiyiin ayaa arkay meydad badan oo lagu daadiyay meel god ah, waxaana ilo wareedyo mucaaradka taabacsan ay sheegeen in dadka dhintay ay gaarayaan konton ruux.

Dadka mudaharaadka samaynayay ayaa gacmaheeda oo is-dhaafsan kor u taagayay, taasoo astaan u ah dibed baxyada ay dhawaan wadeen qowmiyadda Oromada.

Rabshadaha dhowaan ka dhacayay Itoobiya ayaa salka ku haya qorshe ay dowladdu shaacisay November-tii hore, kaasoo caasimadda Addis Ababa loogu ballaarinayo qeybo ka mid ah gobolka Oromiya.

Xaalada wadanka Itoobiya ayaa bilahan dambe degenaansho la’aan laga dareemay ka dib markii dibed baxyada dalkaas ka dhacayey ay ku fideen gobolada amxaarada iyo meelo kale, ayna isu rogeen kuwo siyaasadeed oo looga soo horjeedo qowmiyada Tigrega ee dalkaas maamusha, kuwaasoo lagu eedeeyey cadaalad daro iyo iney boob loo geystay kheyraadka dalkaas.












Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com