SAAMI QAYBSIGA GOLAHA WAKIILADDA IYO XILALKA QARANKA QAABKEE BAA WAX LOO QAYBSANAYAA??““ Qalinkii:Pro:Sulaiman Salah Ibrahem Hargeisa.

Share on Stumbleupon

Wadankasta oo aduunyadda dusheeda ku yaalaa bulshooyinka ama qabaailka ku nooli

Way kala badan yihiin oo inta badan qabiil ayaa ugu badan waxaana ku soo xiga qabiilooyin kale

Haddii aynu dib ugu noqono soomaalida talyaanigu gumaysan jiray waxaa ugu badan hawiye oo

65% ayuu ka noqonayaa,Somaliland waxaa ugu badan qabiilka isaaqa oo ka kooban sideed beelood,

Isaaquna wuxuu la siman yahay Daarood,Hawiye,Raxan wayn ,isaaqu wuxuu Somaliland qiyaas ahaan ka

Noqonayaa 75% wuxuu degaa dhul aad u balaadhan oo laga bilaabo lughaya ilaa maydh,qabiilka labaad

Ee soo raacaa waa harti oo ka kooban warsangeli iyo dhulbahante waxayna degaan 20%,halka beelaha

Yar-yar sida Gabooye,Ciise,iyo Samaroon ay degaan 5% haddaba waxaa iswaydiin leh beesha samaroon oo ku jirta beelaha laga tirada badan yahay marka loo eego isaaq iyo harti oo dega dhul aad u balaadhan oo Allaah(Swt) ku manaystay xeeb aad u dheer,buuro,banaano,hawd iyo xoolo kala duwan oo ay ka soo

Qaranka uga soo xaroodaan cashuur aad u fara badan,saami qaybsi ma bilaabi karaan mana ka hadli karaan beel aad u yar oo aan lahayn xoolo miyi,iyo ganacsi aad u balaadhan oo cashuurta ay soo xareeyaana aad iyo aad u yartay oo Somaliland sideed sano m/wayne ka ahaa,sideed sanana m/wayne

Ku xigeen ahaa iminkana M/wayne ku xigeen ah ma haboon tahay mana wanaagsan tahay in xildhibaanadooda iyo madaxdhaqameedkoodu intay sida dumarka u dudaan inay boorama isku shubaan

Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa baroortu orgiga ka wayn waxa laga qaylinayaa waa gogosha qiimaha leh ee M/wayne Axmed-Siilaanyo uu u dhigay beelaha harti waa dhulbahante iyo warsangeli Oo qoladdaas samaroon ee Somaliland 25 sano sida jiirta dabada malabka ku dhuuqayey inay six un u

Fekeraan oo ay is yidhaahdaan maanta ayaa Riziqii aad xaaraanta ku haysateen idiinku dambaysa waa

Mid ayaan daro ah oo ku noqonaysa boog madoow oo lagu kala fogaanayo jeegaantii malo awaalka ahayd ee isu boodo la odhan jiray oo halkaas ku burburtay,harti wuxuu cadhuuftiisa dib u liqay markii

C/raxmaan Saylici uu ku baroortay waan is casilayaa haddaan Sulaymaan xagla toosiye layga qaban

Beelaha isaaqu aad ayey u soo dhowaynayaan uguna farxayaan harti oo Somaliland saamigiisa dhacsada oo mustaqbalkana ay M/wayne ka noqdaan waa guul qaranka Somaliland u soo hoyatay.

Haddii aan dib ugu soo noqdo saami qaybsiga golaha wakiiladda iyo xilalka qaranka waa in sida beeluhu

Uu kala badan yihiin loo qaybsado tusaale ahaan marka isaaq uu yahay 75% xildhibaanadiisu waxay

Noqonayaan waa marka aynu u qaybino82 xildhibaan wuxuu ku yeelanayaa 62 xildhibaan,marka harti

uu yahay20% wuxuu yeelanayaa 17 xildhibaan,markagabooye,samaroon iyo ciise ay yihiin 5%waxay

yeelanayaan3 xildhibaan,soomaalidu waxay ku maah-maahdaa wax badso wax beel ayey keentaa

Waxaan Qoladda reer awdal ama samaroon ee boodhka isku qasayaa waxaad lixdankii lahaydeen 5

Xildhibaan,iminkana Somaliland 13 xildhibaan,waa inaad sadex mid uun yeeshaan inaad wax laydiinku

Qaybiyo sidii lixdankii 1960-kii ama sidan laydiinku sadburiyey ee aad leedihiin 13 xildhibaan iyo inaad

Ku nasiib qaadataanoo la is tirsado dadka la tirinayaana maaha mid reer jabuutiya,ama reer itoobiya

waa dadka maamka Somaliland ku dhex jira.

 

Golaha wakiiladdaee Somaliland haddiiuu sharciadagijiroxildhibaanada sida dumarka u

dudaya,ama xildhibaanadda qabiilkooda oo aan horumar doonayn lasafanaywaxaa laga saari

lahaa golaha oo xildhibaanaddii dhacay kuwooda ugu codka dhoow ayaa buuxin lahaa waxaana

Laga gudbi lahaanidaamka qabyaaladda xildhibaanaysan,nidaamkaqabyaaladda siyaasadaysan,

Xildhibaankafoox laha ahna xildhibaan AxmedYaasiin waxaan leeyahay haddii aad leedahay madaxwayne ku xigeenku waa magaca u yaaloo awood ma lahaa oo ha la sameeyo M/wayne iyo Raisal wasaare waxaan ku waydiiyey maxaydun ugu ooyayseen m/wayne ku xigeenka markii

Dr Sulaymaan xagla toosiye uu yidhi waxaan ahay murashax m/wayne ku xigeen,waxaan kaloo ku odhanayaa raisal wasaaraha beeshaada oo aad u tiro yar ma is leedahay way helayaan mase

Taqaanaa labada beelood ee Somaliland ugu badan waa isaaq iyo harti labadaas ayaa midna

M/wayne noqonayaa midna Raisal wasaare balse haddii aanu harti nahaymar haddii aad noo quudhi waydeen m/wayne ku xigeen damacayagu wuxuu noqonayaa inaanu dalka M/wayne ka noqono codkana idiinkama baahnin waxaana codka noohaya gobta Somaliland waa isaaqee ee intaas idiin ogolaa inaad m/wayne ku xigeen noqotaan,m/waynena noqotaan.

Wixiiaad ku samayseena beelaha isaaq xiligiiayTaliskii M/wayne Maxamed Siyaad Barre

Ay la dagaalamayeen haddii aad gobtihiin isaaqa idin dhalay ee aad isku ooda tihiin ayaad la dagaal geli lahaydeen xasuuqii aad gaysateena waa tii la ogaa iyo sida gobonimada leh ee la idiin cafiyey Somaliland-na daacad kama tihidiin oo weli calankii soomaaliya ayaa guryihiina yaala oo qofkasta ooreer Somaliland ahi marka uu boorama tago ee uu ku caweeyo hoteladda wuxuu moodayaa inuu muqdisho joogo oo waxaa lagu sheegaysanayaa soomaaliwayn oo cid

Somaliland ka hadlaysaa aad iyo aad ayey u yar yihiin,anagu haddii aanu nahay harti xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre daaroodnimo ayaa naga dhaxaysay oo aanu u difaacaynay haddana yadoo ay sidaas tahay ayaa haddana daarood qabiilkastaaba rag ayaa kaga jiray ururkii SNM haddii ay noqon lahayd dhulbahante,warsangeli,mareexaan,majeerteen,ogaadeen,layl-kase ,Khal-khalkan aad Somaliland ku rideen ee aad leedihiin haddii aanu nahay beelaha darafyadda mooshin ma keeni karno barlamaanka oo sadex beelood aynu wax ugu qaybsano

Mooshinka aad keenaysaa ma muqdisho ha la raacaa mise haddba m.waynihii yimaada aynu buux ku kicino,waxaan idiin kula talinayaa beeshiina yar ee gudabiirsi ama samaroon ee 1984

Maxamed Siyaad barre beenta u sheegay ee uu yidhi gedo-biirsi ayaad tihiin oo mareexaan ayaad walaalo tihiin sheekaddaasi waa tii socon wayday ee dadkii dhulkooda la doonayey in

Laga xasuuqotii Allaah ayey noqotay waana waxyaalaha isaaqu kaga gobsan yahay hawiye sababtoo ah Isaaq beelihii la dagaalamayey kuma samayn xasuuq oo kamuu aarsan balse si Gobonimo leh ayuu u cafiyey,hawiyena daarood sheikh,shariif,ciroole,dhalinyaro,dumar iyo

Caruur wixii uu soo gaadhayey wuu xasuuqay waana cuqubadda hawiye ku socota ee

Allaah(Swt) isku saliday dhexdooda ha sheegtaan al-shabaab,ha sheegtaan ehlu-sunna wal

jamaaca,ha sheegtaan dawladda taagta daran ee muqdisho fadhida,ha sheegtaan hogaamiye

kooxeedyadda waa cuqubo aan weligeed joogsanayn oo dad maato ah oo bir ma gaydo ah

beesha nabad gelin waydaa Allaah(Swt) colaad aan dhamaanayn ayuu ku salidaa.

Waxaan xukuumadda uu M/waynaha ka yahay Mudane Axmed Maxamed

Maxamuud(Siilaanyo)

Kula talinayaa in beelaha harti saamiyadoodii ka maqnaa si wanaagsan oo milgo,ixtiraam iyo

qadarin leh loo siiyo oo ay qabtaan xilalka ugu mihiimsan marka samaroon ay m/wayne ku

xigeen ay tahay waa in harti la siiyo shan wasaaradood oo mihiim ah wasaaradda arrimaha

dibadda,wasaaradda arrimaha gudaha,golaha wakiiladda,samaroona golaha

guurtida,gudoomiyaha maxkamadda sarena ciise laga dhigo iyo wasiir mihiim ah,gabooyana

wasiir mihiim ah iyo laba agaasime guud ,samaroona sadex wasiir oo mihiim ah si beelaha aan

soo sheegay si cadaalad wax loogu qaybiyo haddii talabaddaas geesinimadd ah lagu dhiirado

waxaa taaba qaad noqonaya oo si fudud xuduuduhu ku soo xidhmayaan saamiga oo si

cadaaladda wax loogu qaybsado waxaana iminaya aqoonsi caalamiya Insha-Allaah.