Itoobiya oo bedeshay Sarkaalkii ugu sareeyay ciidamada ka jooga Somaliya (SAWIRRO)..

Munaasabad lagu qabtay Xarunta ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa lagu bedelay Sarkaalkii ugu sareeyay Dowladda Itoobiya ciidamada ka jooga Somaliya.
Ku xigeenka Taliyaha Guud ee amisom dhanka dhanka hawlgalada iyo qorshaynta ayuu ahaa, laakiin xilkaasi waxaa hada loo dhiibay oo lagu bedelay General Abreha Tesfay.
Saraakiisha ciidamada Amisom, ayaa sagootin ballaaran u sameeyay Sarkaalkaasi oo ay sheegeen in lagu xususan doono shaqooyinkii adkaa ee Somaliya uu ka qabtay.
Major General Mohammedesha Zeyinu, ayaa wuxuu ka mid noqday 38 Saraakiil ah oo Dowladda Itoobiya u dhalatay, kuwaasi oo la dalacsiiyay.
Ciidamada dalka Itoobiya ayaa ku sugan qaybo ka mid ah Gobolada dalka Somaliya, halkaasi oo ay ka wadaan howlgalo ka dhan ah Ururka Al Shabaab.