Doorasho Aabo Reereed(Caaqil)

Dhawaan bishii na dhaaftay dhammaadkeedii reer kamid ah reeraha Beelwaynta Ciise ee daga lughaya ayaa soo doortay Aabo ama Caaqil .
Arintaa waxay dhalisay dood badan oo baraha bulshada dhexdiisa ah ;
Dad badan baa arintaa u akhristay inay tahay arin Xeer ka bood ah kana dhan ah Ogaaska Beelwynta Ciise , waxayna qaar ugu yeedheen inay hor dhac u tahay burbur ku yimiday Midnimada Beelwaynta Ciise .
Aniguna waxaan u akhristay sidatan :
Reeraha Beelwaynta Ciise , reer kasti wuxuu leeyahay Aabo u gaar ah iyo caaqil arimahooga gaar ahaaneed kala haga .
Waxtarka aabo reereedka ama Caaqilka :
∆ Wuxuu kala hagaa reerkiisa .
∆ Wuxuu qabtaa kooga dhib wada .
∆ Wuxuu isku xidha reerkiisa iyo Beelwaynta Ciise .
∆ Wuxuu matalaa reerkiisa uu horjooge u yahay dawladuhuna kala xidhiidhaan .
∆ Wuxuu xubin ka noqdaa odyaha loo soo xulo qaab baaho marka loo baahdo .
∆ Wuxuu isku gadaamaa wixii dhib ah uu ka difaacaa reerkiisa iyo dhulka ay daganyihiin .
∆ Waa nabad doon ka qayb qaataa xidhista darka nabadda .
∆ Ogaasku wixii uu uga baahdo degmadaa isaguu kala xidhiidhaa ,gacan yaaruu u yahay Ogaaska aabanimadana uu uga danbeeyaa.
Waxaasoo Xil ah Cid aan Aabo gaar ahaaneed ahayn oo ku kici karta ma jirto , reerka aan aabo lahayn Ciisuhu uu la dhibaatooda

Haddaba doorashadii dhawaan ka qabsoontay Lughaya ee reer kamid ah Beelwayntu ay ku dooranayeen aabo reereed , lama odhan karo falkaayi wuxuu jabinayaa xeerka ,mana aha mid ka dhan ah Ogaaska Beelwaynta Ciise .
Waayo sidii muuqatay reerku may dooran suldaan ama ogaas ee waxay doorteen aabo reereed, ama caaqil .
Sidaa awgeed ma aha in la buunbuuniyo oy dhex roorto cid kastoo neceb midnimada Beelwaynta Ciise .
Midnimada Beelwayntu ma aha mid dhayal ku burburta , Xeerkuna ka adag mid si dhayal ah looga boodo .
Kumana dhiiran karo reer kamid ah Beelwaynta Ciise inay qabsadaan Ogaas doceed, xeerkaan asmaxayn , Ciisana ogolaan maayo .
Caaqilku waa caaqil mana gaadhsiisna Xilkiisu Ogaas , Ogaasku waa danta guud ee Beelwaynta oo dhan , Caaqilkuna Waa danaha gaarka ah ee reerkiisa .

Gunaanadkii Waxaan leehay Aabihii la doortay Xilkaa lagu saaray mayara waxana laguu doortay dhul iyo Dad ay dhibaata badani haysato , Haddaba waxaa lagaaga fadhiyaa inaad u guntato sidii aad ugu adeegi lahayd dadka iyo dhulka ugana dhabi lahayd Heerimaad iyo Hagardaamo shisheeye , Wixii kaa itaal roonaadana aad ugu qayliso Ciise .

W.Q: Zakaria Saad Ahmed