Ma Runba Ma Riya

Waxaa dhawaan la caleemo saaray Salaan Axmad Cali oo loo caleemo

saaray Chief Caaqilnimo. Chief Caaqil Salaan Axmad,sida la sheegay wuxuu
u dhashay jufada Cabduraxmaan Ceeleeye ee beesha Mamaasan ee Ciise.
Inkasta oo  aan warar rasmiya ka haynin wali,haddana,waxaan filayna inay
Caleemo saarkiisu keentay baahi loo qabay,sidas darteed,waxaan u rajaynayna
inuu ilaahay ku guuleeyo hawsha loo igmaday.
Jagadan Chief Caaqilnimo inuu jiro,waxaa keenay dawladiihii wax istcmarsan
jiray,si ay ulasheegeeyan,markay dhibaato dhexmarto beelaha,siiba marka
geela la kala qaado,oo loo xilsaari jiray Chief Caaqilka inuu soo celiyo geela la
qaaday,isaga oo askar wadta.Haddii u geeriyood,wax bedela wiilkiisa ama
walalkiisa,waxaa mushaaro ahaan loo siin jiray,waxooga lacag ah oo aan sidas
u badnayn. Ama Chief Caaqil ha ahaado,ama Caaqil caadiya ha ahaadee,kuma
jiro xeerka Ciise,oo waxa kaliya ee Ciise ogol yahay waa Ugaaska Mustafe
Moxamad Ibrahiim Ugaas Wacays iyo golaha Gandaha Ciise.
Marka haddii maalinwalba jufo tidhahdo,Chief Caaqil ayaan Caleemo saarnay
taasi wax ay keenaysa in lagu xadgubayo karaamadii Ugaaska iyo awoodiisa,
u ciyaarid iyo dabaaldegna waxaa iskale Ugaaska oo qudha.
Jaaliyada Ciise Germany.