Masuul British ah oo lagu feedhay xarunta Baarlamanka Midowga Yurub (Daawo Sawirro

udaha xarunta baarlamaanka Yurub ayaa waxaa la sheegay in lagu dhex feedhay maanta Steven Woolfe oo Baarlamanka Yurub u fadhiya dalkiisa Britain.

Waxaa falkani ka dambeeyay sida uu taleefishinka skynews baahiyey nin saaxiibkiis ah oo isla xisbigiisa ka tirsan, iyadoo Steven Woolfe markii la feedhay uu dhulka ku dhacay.

Siyaasigan ayey wararku sheegayaan inuu madaxa dhiig kaga furmay ka dib markii feedh wajiga la laga dhuftay taasoo sababtay inuu madaxa dhulka ku dhufsado ka dibna uu miyir beelo, isbitaalka ayaana loola cararay.

Gacan ka hadalka ayaa yimid ka dib markii shir saaka gudaha baarlamanka Yurub uu ka dhacay shir ay labada nin hadalo kulul isku weydaarsadeen.

Ma cadda sababta keentay in ismaan-dhaafka labadan masuul balse Jariiradda The Guardian ayaa qortay in ninka la feedhay uu qorsheynayey inuu la wareego jagada hogaaminta xisbiga UKIP oo uu iska casilay guddoomiyihii hore Diane James oo 18-maalmood ah oo qura hayey xilkaas.

Xisbiga UKIP ee labadan nin ay ka wada tirsanayeen ayaa u ololeynayey in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub, waxaana uu baarlamaanka Britain ku leeyahay oo hal kursi oo kaliya.