Itoobiya: Xakuumada oo ku dhawaaqday Lix bilood oo Xaalad Degdeg ah..

Itoobiya: Xakuumada oo ku dhawaaqday Lix bilood oo Xaalad Degdeg ah09 October 2016

Xukuumada Itoobiya ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah ka dib muddo bilooyin ah oo ay socdeen banaanbaxyo rabshado wata oo xukuumadda looga soo hor jeedo, kuwaasoo ruxay dalkaasi gaar ahaan gobolka ugu weyn ee Oromiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa TV-ga dawladdu maamusho ka sheegay in xaalada degdegga ah lagu soo rogay dalka sababta oo ah marxalada uu dalka hada marayo ayaa halis galineesa dadweynaha dalka.

“ Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegtay in xaaladda degdegga ah, oo lagu dhawaaqay markii ugu horeysay mudo laga joogo 25 sano, ayaa socon doonto muddo lix bilood ah.

Tan iyo markii ay banaanbaxyadu ay ka billowdeen dalkaasi waxa ku nafwaayay ugu yaraan 500 oo qof iyada oo todobaadyadii ugu danbeeyay ay xaalada kasii dareesay ka dib markii todobaad ka hor 55 qof ay ku dhinteen isbuurasho ka dhacday gobolka Oramia intii ay socotay xaflad-dhaqameed ay dadka Oromadu lahaayeen.

1476016942f2d0d.jpg

147601717042596.jpg

Comments