Madaxweynaha Galmudug oo sheegay Gaalkacyo inaysan labo Maamul ka wada talineyn..

 

Cadaado(Xeernews24)

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo Saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa wuxuu ka hadlay dagaaladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, isaga oo sheegay in Gaalkacyo aysan ka wada talineyn labo Maamul.

Guuleed ayaa sheegay masuuliyada dagaalka dhacay inay qaadeyso Maamulka Puntland, isaga oo tilmaamay Magaalada Gaalkacyo oo ah hal Magaalo inaysan labo Maamul ka wada talineyn.

Gaalkacyo ayaa dhanka Koonfureed waxaa ka taliya Maamulka Galmudug, halka dhanka Waqooyi ay ka taliyaan Maamulka Galmudug.

“Waan ka xumahay dagaalka Gaalkacyo maxaa yeelay Gaalkacyo uma baahna kala qeybsanaan iyo dagaal, ka Galmudug ahaan waxaan ku dadaali doonnaa sidii magaalada ay hal gacan ugu geli lahayd hal maamul, labo maamul kama wada talineyso Gaalkacyo” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed.

Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa dhowr mar ku dagaalamay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, xilli Dowladda Somaliya heshiis ay kala dhex dhigtay Labadaasi maamul.

Shacabka Magaalada Gaalkacyo ayaa xilligaan u baahan ku noolaanshaha Nabadda iyo in Magaalada Gaalkacyo ay la tirsato Magaalooyinka kale ee dalka ka jira ee dhanka horumarada ku tilaabsaday.