Daawo Sawirada :Shacabka Jarmalka oo Cabsidii ka baxday iyo Nin Qal qal galiyay Qaraxyana watay oo la Qabtay

 

Mudo dhoor cisho ah waxaa cabsi weyn iyo foojignaan xoogan ka taagneed magaalooyinka ugu waa weyn gudaha dalka Jarmalka gaar ahaan garoomada Diyaaradaha iyo xarumaha laga raaco Tareemada

Wiil 22 jir ah una dhashay dalka Siiriya ayaa guri ku yaala magaalada Chemnitz waxa uu ku diyaarsaday Qaraxyo dhoor nuuc ah kaas oo doonayay in uu Qarxiyo xarumo muhiim ah ka dibna qudhiisa is Qarxiyo .

Wiilkaan oo lagu magacaabo Jaber Al Bakr ayaa dhoor cisho ka hor waxa uu ka baxsaday ciidamada booliiska dalka Germany kaas oo qal qal xoogan galiyay guud ahaan shacabka dalka Jarmalka .

Baaritaano fara badan ka dib ciidamada Sirdoonka dalka Jarmalka oo Telefoonada gacanta ee la iska dhageeystay is ticmaalay ayaa Jaber Al Bakr waxa ay ka soo qabteen guri ku yaala magaalada Leipzig halkaas oo ah meel aad uga fog magaaladii uu markii hore ka soo baxsaday ee Chemnitz .

Intii uu baxsadka ahaa Jaber Al Bakr waxaa Sawiradiisa lagu dhajiyay magaalooyinka ugu caansan dalka Jarmalka waxaana shacabka dalkaan looga digay inay ka foojignaadaan ninkaan oo lagu sheegay in uu ku soo tababartay gudaha kooxda Dacish waliba ay soo dirsadeen , kaas oo isku soo dhex qariyay Qaxooti dhibaateeysan oo ka soo qaxay coolaada ka taagan dalka Siiriya .