Hadalka Miyaad Tidhi uun Mise waad Tabisay?

Bismilaahi Raxmaanaraxiim.salaanta islamka kadib,
waxaan si gaar ah u
salamayna  ummadda u dhaqan goboladda Sitti,jamhuuriyada Jabuuti, Saylac
iyo Selel,waxaanan farayna midnimo iyo istaageersi walalnimo.
Waxaan ognahay in dhawaan wafti laxaadle oo u hogaaminayay Ugaaska
beelaha Ciise weyne ay casuumad ka heleen  DFI.gaar ahaan gobolka Tigreega,
halkasna si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Ugaaska iyo xubnaha kale ee
waftiga. Dawladda Federaalka Itoobiya,sida la sheegay,waxa ay ka codsatay
Ugaaska inay beelwewynta Ciise ka qayb noqonin rabshadaha ka socda Itoobiya,
sida warbaahinta qaarkood lagu soo qorayna,Ugaaska wuu ka ogolaaday,wuxuuna
baaq u jeediyey dadka kacdoonka ka wadda Itoobiya,inay nabad iyo wada hadal
ku raadsadan xaquuqda ka maqan.
Haseyeeshee,ma hubno inuu Ugaasku kala hadlay madaxda sarsare ee DFI
fara- bidixaynta madaxweynaha DDSI,ku hayo beesha Ciise,iyo gobolka Sitti, ee
sida aadka ah uga dambeeya gobolkadda kale ee Kilalka 5naad.
Sida la soo sheegayo,seddexdii degmo ee la raaciyey DDA,ee ahaa Gadhmalaw,
Cundhfo,iyo Caddayti,wax allaale iyo wax loo qabtay ma jirto,sidas awgeedna
waa ay hubboonayd in lagala  hadlo xaalka degmooyinkas DFI. Sikastaba ha
ahaatee,waxaan ku taageerayna Ugaaska baaqa u jeediyey,waxaanan leenahay
xaqiina kala hadla DFI,oo waxa fiican haka sugina DDSI.Somaliduna wax ay tidha
hadalka miyaad uun tidhi,mise waad tebisay.
Allaa mahadleh
 Qurbajoogta Ciise (Germany)