Xil.Jeesow: “Itoobiyaanka ka baxay Ceel Cali ma aha AMISOM, dhibaatada loo geystay shacabkana DFS ayaa mas’uul ka ah

 

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa markii ugu horeysay sharaxaad ka bixiyay ka bixitaanka ciidamada Itoobiya saldhigii ay ku lahaayeen degaanka Ceel Cali iyo dadka rayidka ah ee lagu dilay halkaasi ka gadaal markii ay ciidamada faarujiyeen degaanadaasi.

Waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ah ee iyagu ku sugnaa degaanka Ceel Cali aanay ka mid ahayn ciidamada AMISOM, isla markaana ay yihiin ciidamo sida uu sheegay dalka ku soo galay inay Al-Shabaab ka difaacayaan.

“Itoobiyaanka ka baxay Ceel Cali ma aha AMISOM, dhibaatada loo geystay shacabkana Dowladda Federaalka ayaa mas’uul ka ah” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo u waramayay idaacadda BBC-da.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Al-Shabaab halkaasi ay degaanka Ceel Cali ka kaxeysteen dad gaaraya 27-ruux, kuwaasi oo sida uu sheegay aan la ogeyn xaaladoodu waxa ay ku dambeyso, taasi oo uu sheegay inay si aad uga xun yihiin dhibaatada ku soo korortay shacabka degaanadaasi isla markaana dad isugu jira ganacsato iyo odayaal ay Al-Shabaab ku gowraceen degaankaasi.

“Aad iyo aad ayaan uga xumahay in ciidamada Itoobiya iska baxaan iyadoo ciidanka Soomaalida aanu buuxin meesha ay ka guurayaan” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay iyadu qaadeyso mas’uuliyadda wixii dhib ah ee soo gaara shacabka bacdamaa ay la shaqeyso ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika.

Xildhibaan Jeesow ayaa tilmaamay in waxyeelada shacabka uga imaaneysa goobaha ay ka baxaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ku ekeyn oo kaliya gobolka Hiiraan, balse ay jiraan goobo fara badan oo markii ay ka baxeen Al-Shabaab dhibaatooyin ugu geysatay dadka rayidka ah.