Dal dhaweeyee muu dhimane wuu dhaqaaqi doonaa.

 

Fiiro Gaar ah

Qormadan waxay soo baxday muudo maanta laga joogo 7 sanno ka hor mar u Qoraagu soo booqday lagarkii magaalada Djibouti oo wakhtiyadda qaarkood ahayd Meelaha ugu Qurux badnayd uguna shidnayd dhaqaalaha Magaalada Djibouti oo u ekaaday goob laga guuray oo xafiisyadda,dhismaayaashi,goobihii wax laga iibsan jirey dhamaan ay noqdeen wax dumay oo aad naftaada uga baqayso in aad soo ad marto waxayna hooy u noqdeen ;bisado,ey,iyo dad ay masgaxda wax uga dhiman yihiin marku qoraagu arkay fool xumdda iyo niyad jabka ka muuqdo meeshi u yaraanti ka goosan jirey Tikidhka Tareenka iyo Kioskii laga iibsan jirey Kookaha iyo faantada ayuu ku fikiray Qormadaan hoos ku qoraan isago aan ka raja go,in in mar uun soo noqon doono Tareenkii Dal-dhaweeye oo ah aabihii dhalay magaalooyinka manta ugu waawaayn geeska afrika oo kala ah;Djibouti,Dire-dhaba,iyo Addis Ababa.

 

 

Baabuurka Baabuurkoow,Baabuurka rooraayoow adigaa bariis cuninoo adigaa baddii hoosiyo(Djibouti) tagi baladkii hooyoo,adigaan halaabaynoo adigaa halkii sara iyo adigaa Awash korayoo adigaa hadhuudh la karshiyo noo qaada hilib geeloo.

 

Sooyaal taarriikhedkaa tareenka isku xidha magaalooyinka Djibouti iyo Addi abeba waxaa markii u horeeysay soo hindisay sanadkii 1897kii nin ingenieur ahaa u dhashay dalka Suisse oo magaciisa la odhan jiray Alfred IIG kaas oo ka helay boqorkii Menelik ogolaasho iyo ruqsad in u qaato hadyad ay reer Yurub ugu talo galeen oo ahayd in tareenkan loo dhisoo si boqortooyadiiso ugu fido dhamaan geeska afrika siiba dhulka ay muslimiinto degaan wuxuuna dhismuhuu soctay 1897 ila 1917kii qorshahaa reer Yurub ay ka lahaayeen tareenka way kala duwanaayee oo sadexda dal ee dhulkeenaa soo gaadhay(Fransiis,Ingriis,iyo Talyaani mid walba wuxuu watay barnaamij u gaar waxaana ka suurta galay kii Fransiiska oo qudha , matalaan Ingriis wuxuu rabay in u dhisoo line tareen oo isku xidha Berbera Via Addis abeba to Khartuum oo Suudaan ah Talyaanina waxaa u qorshaynaa dhor line oo kala ahaa Addi -abeba-Dessie,Adigrat,Massawa oo 1000km ahaa iyo Addi-abeba-Dessie,Asab, iyo waliba line kala oo isna ahaa Addi Abeba Meghlli,Dollow,Mogadisho waxaa soo hindisayaal ahaa waxaa qabsoomay kan maanta jira ee fransiisku farsameeyey oo kaliyaa waxaana ugu dambayntii la furay 9kii bishii Mai 1917kii dhismaaha oo soctay in ku dhaw 20-23sano jid dheererkiisu dhan yahay 784km

Tareenku wuxuu soo maray magic iyo marxaaladu kala dawan magacda u soo maray waxaa la kala odhan jiray CIE(compagnie imperial des chemins de fer Ethiopiens) wixii ka dambeeyeey 1909kii waxaa magacii loo balay:CFE (la companie du chemin de fer franco-Ethiopien)

Bishii October sanadkii 1981kii waxaa mar kale loo badalay magacii tareenka magacaa ila maanta loo yaqaan ee ah:CDE( la companie du chemni de fer Djibouto-Ethiopien)

Marxaladaha magaca badalashada ka sokoow tareenku wuxuu ka soo gudbay dhibaatooyinkii ka dhacay aduunka oo ay ugu tun weynaayeen labadii dagaal ee aduunka gilgilay kii koobaad iyo kii labaad oo dalka Djibouti iyo Ethiopiabaa saamayn weyn ku lahaa waayoo waxaa ku hirdamay dalalkii isku hayay hoggaanka adunka sida Ingriiska,fransiiska iyo Talyaaniga oo intubaa raad ku lahaa taarriikhda Ethioipia iyo taan tareenkaba iyo dhamaan dagaaladii sokeeyee ee Ethiopian iyo Djibouti ka dhacay intaa waxaa dheer iska hor imaadyaadii soomalida iyo Ethiopianka dhex mari jiray kuwaas oo mar walba tareenka ku hayn jiray hintaaq iyo dib u dhac oo ay mararka qaar kood dhacday in u tareenku gabi ahaanba is taago ka dib markii la gooyay ama la qaaday kaabadihii iyo birihii xadiidka oo ay adkayd sida mar dambee looga soo kabto iyadoo ay waxaa soo culays ahi jiray marnaa tareenku ma joogin in u ahaato isha qudha iyo laf dhabarta dhaqaalaha laba dal ee Djibouti iyo Ethiopia ka sokoow laba dal tareenku wuxuu maraa boqolaal tuulooyin ah oo ka soo biloow min Matahara ila Djibouti-ville laga soo gaadho dadweynaha ku nool dhabada xadidka 90%waa soomaali reer shiniile iyo Djiboutian ah oo aan aqoon ama wixii u horeeyey ee ay arkeen ee baabuur ah ee machine ku soctaa ee ay raacan wuxuu ahaa tareen sida daraadeedna tareen la,aan waxay la mid yihiin kaluun biyo waayay taas waxaa ku cadayn karaa waagan yara waxaan dadka waawayn ka maqli jiray hal hays ama hees hawleed can baxday oo la dhan jiray:(BAABUURKA Baabuurkoow ROORAAYOOW ADIGAA BARIIS CUNINOO ADIGAA BADDII HOOSIYO (DJIBOUTI) TAGI BALADKII HOOYOO,ADIGAAN HALAABAYNOO ADIGAA HALKII SARA IYO ADIGAA AWASH KORAYOO ADIGAA HADHUUDH LA KARSIYO NOO QAADAA HILIB GEELOO)

Way badnayd heestu laakiin ma wada xasuuto sababtaan usoo cuskaday waxay tahay muhimada u lahaa tareenku iyo siday dadku isaga la,aanti u ronaysnaayeen in tareenko bariis iyo caanoo toona uga baahnayn balse wax walba oo ay u baahtaan meel walba uga soo xamaali jiray qaarna wayba u shaqa tagi jireen oo qofka ka shaqeeyaa ama noqda shaqaalaha tareenku waxay ahaayeen dad heer sare ah oo ka nolool iyo dakhli wanaagsan dadka kala marka laga reebo shaqaalaha muruq maalka ah een iyagu ku shaqayn wax mihnad ah kuwaas oo loo yaqaan ila maanta KUULI bodhle oo mishaar hooseeya ku shaqeeya oo nolool xumo iyo shaqo adagna iskugu biirtay.

 

Biloowgi tareenka waxaa maanta laga jooga 115 sanoo magaalooyinka uu dhisay sidaa Djibouti iyo Addis-abeba waxay ku faanaan horumar iyo barwaaqo waxay noqdeen magaalooyin waawayn oo dhan walba ka koray oo dhistay wadooyin iyo jidad iyo garoono casri ah sida Portka Djibouti iyo aeroportka Addis-ababa oo labadubaa runti ah horumar ay degmadu gaadhay halka dhabadi tareenka gabal u dhacay oo iska daa horumar laga hadlee waxaa maalis daalay xadiidkii la dhigay hal qarni ka hor oo meel waloo aad ku aragto bir xadiid waa mid u habaas iyo siigo qarisay oo wada abaarsaday marbaa haday birihii abaarsadeen dadkii iyo duunyaddi ku noolaana waxaad u malayn ! shaaqaalihii ahaan jiray kuwaa ugu noolool fiican ee ka shaqeeya Djibouti iyo Ethiopia maanta waxay yihiin wax dhintay wax gaboobay iyo wax masaakiin ah oo meelaha kolbaa wixii loo garto lagaga ajarsado lagaaradi(train station) Djibouti iyo Diredhaba way wada dumeen ma jiro tareen si joogta ah uga baxaa ama u yimaad mana muuqado cid daan iyo muraad toona ka leh wax ka qabashada nasiib daradaan ku habsaday tareenkii dal dhaweeyee umana qalmoo in sidaa looga abaal dhaco hooyadii horumarka Djibouti iyo Ethiopia .

Horaa loo yidhi abaal nin gala la arka laakiin nin gudaa wuu yar yahay ma ahayn in qarniga aan joogno ee 21aad ay tareenki Djibouti-Addis-abeba ku habsato eex iyo uqubo aan magac iyo sabab lahayn dadka laga sugi in ay gudaan abaalku iskuma jiraan oo waa la kala horeeyaa dadka ficil iyo qawlba ay tahay in ay gurmad qaran noo horseedaan waxaa ka koow ah madaxda reer Djibouti oo u madaxweyne Ismael Omar Guelleh(IOG) hormood u yahay sababtaan IOG diirada u saaray waxay tahay hortaa waan ogahay in u yahay nin karti u leh waxna qaban karaa hadii alla waafajiyoo oo u rabitaan iyo daacadnimo la yimaado kanaa faayddaysto fuursadaan dahabiga ah ee u maanta haysto ta labaad isagu wuxuu ku leeyaha tareenka taarrikh gaar ah maxaa yeelay biloowgi dhismahaa dhabada iyo heshiisyaddi lala galay dadkii degaanka waxaa caaqiladii reer Djibouti iyo reer Shinile ka mid ahaa awoowgi Guelleh Batal aabihii Omar Guellana wuxuu ahaa madaxdii sar-saraa ee soo martay hoggaanka shaqaalaha tareenka waana sababta u IOG ugu dhashay magaalada Diredhaba sidaa darteed waxaa laga sugi abaal waafi ah oo u cesho meeshi lagu soo anqariyey waxaanse ka baqayaa in ay jirto duruf iyo dayr adag oo ka hor joogo arrintaa in u ku dhiirado.

 

Mar aan warsaday sarkaal reer Djibouti oo aan jeclayn in aan magacaabo oo aan arrinta tareenka kala sheegaystay wuxuu eeda dusha ugaa tuuray dawlada Ethiopia wuxuuna ii sheegay dhawr sababood, dalalka Djibouti iyo Ethopia waxaa yimid shirkado shisheeyee oo doonaayay in ay maalgashi iyo dib u casriyayn ku sameeyaan tareenka oo iskugu jiray Hindi,sud Afrikan,iyo reer Yuruba mar kasta oo ay Djibouti yimaadaan waxaa la gaadha heshiis waxna waa la kala saxexdaa laakiin markay Ethiopia u gudbaan arrimihii laga wada hadlay waxay ku dambeeyaan xagal daac ay Ethiopia sabab u tahay sarkaalka oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi Ethiopia waxay ka cago jiidaysa oo ay biyo diidan tahay heshiisyadii la galay 1897kii oo tarrenka ay isla lahaayeen Ethiopia iyo Fransiiska oo waxay ku doodaysaa tareenku wuxuu maraa waa dalka Ethiopia dhul dheereerkiisu dhan yahay in ka badan ama ku dhoow 700km waana in sharciga tareeku ku shaqeeyo iyo tareenkabaa Ethiopia lagu soo wareejiyo waana siday Ethiopia rabo haddi tareenka dib u casriyayn lala rabo haddi kale sidaas ayay wax walba u bahardaadi doonaa waxaad mooda in ay arrinto la mid tahay taan dalka Masar iyo Ethiopia ka dhex taagan ee ku saabsan biyaha wabiga Nilka iyo sidii loo qaybsan lahaa.

Warka iyo isla qabweynida ka soo yeedhay Ethiopia wuxuu jidhku ka cuncunay Dawlada Djibouti oo sanadkan shirki golaha wasiirada ku ansixiyay in ay aasasan shirkad tareen oo Djibouti u gaar ah wasaa la ogaan doona tareen aan dhaafayn tuulada Galiille oo 100km u jira magaalada madaxda Djibouti mustaqbalka u yeelan doonuu, geesta kale Ethiopia hadday diido qayb ka mid heshiisyaddi reer Yurub ee shucuubtaa muslimiinta geeska Afrika loogu garba duubay ama ay doonto tareen aan dhaafayn Dawanle oo aan portka Djibouti shixnado ugaa soo daabulayn iyada cirka soo leefi doonta isku tuurtuurka la isku wanjalaayo sheekada tareenka waxay dhib ku tahay dad masaakiin ah oo aan waxba kala socon midiyaha qarsoon ee dawaladuhu isla gaadaan.

 

Oloolihii doorashada Djibouti ee sanadkan madaxweyne IOG wuxuu balaan ku qaaday in u dalka ka qaban doonoo wixii u qabsoomi waayay 12 sanoo ee laga soo gudbay wuxuuna dadka ugu bishaareeyey in u dhisi doonoo tareen cusub oo isku xidhi doonaa magaalada tadjouraha ee xarun goboleedka gobolka Tadjourah iyo magaalda kale xarunta u ah gobolka Tigreeka Ethiopia ee loo yaqaan Mekele jidkan cusub wuxuu sii dheex jibaaxi doona sida la sheegay buuralayda iyo dhul weynahaa TRIANGLE AFAR oo kala badhaa sadexda wadan ee Djibouti ,Ethiopia iyo Errytreeya mana kala cada sida mashruuca u ku hirgali doonoo marka la eego xaalada ka jirta dawladaha hada jira iyo xitaa cidda mashruu intaa le,eeg maalgalin doontaa dadka siyaasada Djibouti dhaliila waxay ku tilmaameen wax lagu coslo iyo dadka reer Djibouti oo marrarka qaarkood maaweelo caruureed loogu heeso sidii dhacday markii la waayay meel ay ku dambaysay mashruuci isku xidhaayay qaarada Aasia iyo afrika ee loo yaqaan al madiina Nuura oo waxay ku odhanayaan kiisaba daryeela tu kale ku daraa nin kii dhisnaa oo u baahan uun in la dhigo xadiid iyo machine cusub awood iyo karti u waayay sidu ku meel marin karaa tareen cusub?

Maalmihii lagu guda jiray oloolihii dalka Djibouti ee madaxweyne IOG mar sadexaad talada dalka ku hananaayay waxaa isna oloolahaa kala qayb galay raysal wasaarihi horaa ee dalka Djibouti Mr.Barkhad Guurad Hamadu oo ah hada waayeel gaadhi lagu riixo mar u la hadlaayay dadka reer Djibouti ee canfarta ah wuxuu yidhi:Canfaray horumarka dalku gaadhay waxaa ka mid noqon doona in waqooyika dalka laga dhisi doonoo tareen isku xidha Tadjourah iyo Mekele marka waxaad ugaataan meel tareen maray iyo ciise lama kala karo oo waxay tareenka u haystaan hanti u illaahay ciise si gaar ugula eexday ee macaaradnimo iyo dagaal waxba laguma gaadhe horumarka dalka qaybtiina ka qaata.

 

Gunti iyo gabagabadii tareenka Djibouti iyo Ethiopia wuxuu bar madoow ku yahay labada hoggaamiyee ee Djibouti iyo Ethiopia Geele iyo Zanaawi waa haday rabaan in ay taarrikh lagu xasuusan karo aduunka uga tagaan

Nabad iyo caanoo

Bilal-Hadi