Qudbadaha Musharaxiinta Madaxweynaha Hirshabeelle oo soo gabagabowday(Sawiro

 

Waxaa hoolka shirarka ka bilowday khudbadihii musharixiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle. Musharaxa ugu horeeya ee  hadlay waa Maxamed Cabdi Waare oo ka hadlay inuu wax ka qaban doono arrimo badan sida amniga,horumarka iyo waxbarashada.

Waxa uu Waare sheegay in uu ka shaqeyn doono arrimaha horumarinta ganacsiga taasna ay tahay in xoogga la saaro dib u dhiska wadooyinka sida wadada Muqdisho iyo Jowhar,Jowhar iyo Beledweyne,Cadale iyo Xamar iyo wadooyin kale.

Dhinaca Waxbarashada ayuu sheegay in dugsiyo farsamo la dhiso,internet fiber obtic ah labada gobol ay yeeshaan lagana soo qaado Muqdisho illaa Beledweyne, Sidoo kale arrimaha garsoorka ayuu ka hadlay in uu cadaalada xoojin doono,dhinaca waxbarashada ayuu sheegay Waare in jaamacado ka dhisi doono maamul goboleedka, Beeraha iyo kalluunka ayuu sidoo kale soo hadalqaaday in uu horumar weyn gaarsiin doono taasna loogaga bixi doono dhalinyarada shaqo la’aanta ay hayso.

Waxaa qudbadii labaad la siiyay musharax Cali Maxamed Carraale.  Carraale ayaa sheegay in uu wax ka qaban doono arrimaha dib u heshiisiinta, garsoorka, ammaanka,waxbarashada,caafimaadka.

Musharax Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa qudbadii ugu dambeysay ee Musharixiinta madaxweynaha qaatay waxana uu sheegay inuu ku dhashay Muqdisho waxna ku soo bartay magaalada muqdisho waxbarashadiisa sare dalka Maraykanka uuna soo bartay dhaqaalaha beeraha.

Cali Cabdulahi ayaa sheegay in uu dhisi doono maamul leh siyaasad cad cad isla markaana ka shaqeyn doono dhisida ciidamo karti leh, Waxa kale oo uu sheegay in uu cadaalada ku dhaqi doono diinta Islaamkana noqon doonto tan lagu xukumo labada gobol iyadoo lala kaashanayo culumada. Waxa uu sheegay inuu ka soo horjeedo ciidamada shisheeye maacmul goboleedkana ay yeelan doonaan ciidamo awood u hela ammaanka.

waare

dscn5248

 

cosoble