Dawlada Itoobiya oo shan sano oo xabsi ah ku xukumeyso qofkii Baraha bulshada uga hadlo arimaha siyaasada dalkaasi..

 

Dalka Itoobiya ayaa waxa uu soo rogay ganaax in qofkii lagu helaa inuu Facebook galiyo wax ku saabsan xasillooni darada siyaasadeed ee sii kordhaya dalkaasi uu muteysan karo shan sano oo xarig ah, taasoo qeyb ka mid ah tallaabooyinka dawlada ee“xaalada degdeg ah“ ee sii adkaanay maalinba maalinta ka danbeesa.

Dawladda ayaa soo rogay ganaaxi ugu dheera ee ku saabsan adeegyada internet mobile ee magaalada Addis Ababa tan iyo markii ay bilaawdeen dibad baxyada sanad ka hor, iyada oo helitaanka adeegyada fariimaha sida WhatsApp si xoogan loo xaddiday.

Tallaabooyinkan ayaa waxaa loogu talagalay in lagu jabiyo awooda dadka si ay u abaabulaan dibad-baxyada inkastoo lagu baaqay xoriyad siyaasadeed oo weyn iyo aqoonsi qowmiyadaha Oromada iyo Amxarada.

Helitaanka warbaahinta ku saleysan dhul shisheeye ayaa sidoo kale aad loo yareeyay, oo ay ku jiraan Deutsche Welle iyo Voice of America, oo labaduba ku leh  xarumo Amxaarada caan ku ah.

Laba saldhigyada TV ku saleysan Maraykanka ee qurba-joogta Itoobiya, ESAT iyo Oromia Media Network, ayaa sidoo kale la mamnuucay