Turkiga oo Sir Aan Caadi Aheyn usheegay Shacabka Dunida ku kala Sugan

Ra’isalwasaare ku xigeenka Dalka Turkiga Numan Kurtulmus,ayaa dhawaan ka digay in xaaladda Ruushka iyo Mareykanka ee  Syria,haddii ay sii socoto ay labadaasi dal goradda isla gali doonaan.

Taas khubarada dagaalka waxaa ay ka soo qaadeen dhab oo Turkigu waxaa uu ogyahay waxa dhici kara haddii uu sii socdo dagaalka Syria.

Haddaba haddii uu billowdo dagaal u dhaxeeya Ruushka iyo Mareykanka  xaggeed kaga badbaadi kartaa?

Shaxdan hoose waxaa ay u qeybsan yihiin Waddamo ku hubeysan Nukliyeerka,Waddamo marti gelinaya Hubka oo uu yaallo laakiin aan lahayn iyo kuwo la saaxiib ah Waddamo heysta Nukliyeerka.

Waddamada ugu badan ee Heysta Nukliyeerka ayaa kala ah

1-Ruushka oo heysta 7,500 oo Madax Nukliyeer ah

2—Mareykanka oo heysta 7,200 oo Madax Nukliyeerka ah

3-France oo heysata 300 oo madax Nukliyeer ah

4-Chine oo heysata 250 Madax

5-UK oo heysata 215 madax

6-Pakistaan oo heysata 100-120 Madax

7-India oo heysata 90-110 Madax

8-Israel oo hesata oo 80 Madax

9-Waqooyiga Kuuriya oo heysata 10 Madax.

Haddaba Waddamadaas waa kuwa leh Nukliyeerka haddii uu billowdo dagaalka saddexaadna madaxa isla gali kara maaddaama ay is kala taageerayaan.

Waddamada aan xiriirka la lahayn ama heysan ama aan marti gelin Hubka Nukliyeerka ayaa waxaa ay kala yihiin guud ahaan Qaaradda Afrika,Khaliijka Carabta ,Koofurta America iyo Canada