Faah-Faahino ka soo Baxaya iska Horimaad Qasaaree geeystay oo galabta ka dhacay Magaalada Baladwayn

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in galabta Xaafada Howl-Wadaag ee galbeedka magaaladaasi uu ka dhacay iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM iyo maleeshiyo beeleed.

Inta la ogyahay labo ruux ayaa ku dhaawacantay iska hor imaadka galabta ka dhacay magaalada Baladweyne, waxaana lagu soo waramayaa in mid kamid ah dadka dhaawacmay uu yahay askari katirsan Ciidanka Jabuuti halka kan kala uu katirsanaa malseeshiyadii ciidanka la dagaalantay.

Sida aan Wararka ku heleyno iska horimaadka ayaa yimid kadib markii saldhiga ay ciidamada AMISOM ka degan yihiin xaafada Howl-Wadaag ay damceen meelo ka baxsan in ay silig ku xidhaan, waxaana talaabadaasi ka biyo diiday dadka ku dhaqan xaafadaasi.

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo taliska Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Baladweyne ayaana wali ka hadlin iska horimaadkan maanta ka dhacay xaafada Howl-Wadaag, xaalada xaafada Howl-Wadaag ayaana caawa ah mid degan.