Diiradda XeerNews24

Maxaad kala Socotaan Dhaxal wareejinta Degmadda Meyso??

 

Sidda gobolka Sitti dhamaanti waxay degmadda Meyso ama Maa,iso ku dhex jirta labada Kilil ee Oromdda iyo Canfarta waxaa kaloo ay tahay Degmooyinka ugu waqooyisan ama ugu galbeedsan gobolka Sitti waxaa kaloo ay ka mid tahay degmooyinka ugu yar yar xagga Geographi ahaanta laakiin muhiim wayn leh waayo waxaa ku nool xoolaha nool ee ugu badan ee gobolka Sitti caanka ku yahay sidoo kalee waxaa ay leedahay muhiim iyadda ugaar ah sababto ah waa degmada qudha ee nasiib Ilaahay u siiyey in ay ku kulmaan labada jid ee ay dawladda Ethiopia ku faanto laantoodna ay Ethiopia jirayn kuwaas oo kala ah;jidka tareenka iyo kan laamiga ah ee isku xidha magaalooyinka Djibouti iyo Addis Ababa.

 

Ka Sokoow Muhiimadda Geographi ahaaneed ee ay leedahay degmaddu waxaa ku yaal magaalooyin dhoowr ah oo ka mid tahay magaalada madaxda degmadda ee Meyso iyo qaar kale magaalooyinkaas waxay dhamaan ku yaalana laba jid een soo sheegnay waxayna kala yihiin magaalooyinku:Meyso,Mulli,Gadhmalu,Cundhufa iyo qaar kale dadweynaha ku nool dhamaan waa Soomaali gaar ahaan 90% waa beesha ciise 10% soo hadhanay waa beesha aan jaarka iyo walaalka nahay ee Hawiye marka laga reebo dad tira yara oo Oromaha ahaa oo ku noolaan jirey geesta bariga ee magaalada Meyso wixii ka horeeyeey 2005-tii.

 

Maanta waxaan joognaa waa sannaka 2016-ka Degmadda Meyso aanu garan maayo waxaan aan ku sheegi karo oo aan ka ahayn dal la dhaxal wareejiyey beeshi ciise oo nool oo arkaysa Raadka iyo dhulka la sal guurin kolka aan miisaankayga saaray Arrimahaa hoos ku qoraan:

 

1.Magaalada madaxdi degmadda waxaa sannadkii 2005-ta lagu wareejiye kililka Oromada iyadoo loogu soo marmarsiiyooday Distuur iyo Afti sharci dawladeed ah oo lagu dhaqmay dadki lahaana waa la barakiciyeey oo maanta qoys ama reer ciisa ah oo si rasmi ah u degaan magaaladi Meyso laga heli maayo sidaas ayayna degmaddi Meyso ku noqotay mas madaxa laga jaray marba haddi caasimaddi ummad kale lagu macsuumay.

 

2.Magaalooyinkii soo hadhay sidda Galdhmalu,Cundhufo,Dan la helay iyo Cadaytu waxaa sifo sharci daro ah oo distuur iyo wixii la mid ah loo marin loogu daray Kililka Canfarta, mana jirto ila maanta barwaaqadi u ina Iley iyo gacan yarihiisa Cabdi-Xakim Cumar Cigaal ay ummadda ugu balan qaadeen,

 

3.Wax Magaalo la odhan karo waxaa degmaddi dhanayd ee Meyso ku soo hadhay waa tuulada yar ee Mulli Magaalada Mullina waxaa si gaar ah u leh beesha aan soo sheegnay ee Hawiye oo ciise hal guri kuma leh,waxaa meesha ku cad in si gaar ah beesha ciise loogu soo duulay oo aan dad kale loo jeedin lana rabo in mustaqbal dhoow degmadda Meyso laga waayo dadkii lahaa ee ciise.

 

4.Sharciyaan dawladda Ethiopia iyo Kililka Soomaalidu waxay u aqoonsan yihiin degmadda meyso degma buuxda oo taarrikhi ah sidda daraadeed waxay leedahay maamul iyo maaliyaad u gaar sida degmooyinka kale si dhaqaale loogu cunana waxay maamulka Kililka Soomaalidu sameeyeen Tuulo macmal ah oo lagu sheego in tahay caasimadda sharciga ah ee degmadda meyso waxaana lagu magacaaba HARDIIN Hardiin waxay ku taal duleedka Magaalada Hawash ee Kililka Canfarta waa meel go,doon ah oo Kililaada canfarta iyo Oromaduba duulaan ku soo yihiin marar badana lagu dagaalamay dhiig badana ku daatay.

 

5.dadka maanta ku nool Tuulada Hardiin waa dad ay maamuulka ina Iley ka soo daad gureeyeen meelo aan la garanayn waana dad ay qaraabo hoosaad yihiin ina Iley dadkii ciise ee degmadaa lahaana warkiisa ma sheegi karo sababta loo soo dejin waayeyTuulada Hardiin ee lagu sheegey in ay Caasimad u tahay degmada Meyso,mana jirto meel ay dadki degaanka ee ciise la odhan karo way ka muuqdaan ama way ku nool yihiin ama maamulaan ama ayay ka shaqeeyaan,

6.Geesta dhaqaale iyo horumarka laga sheegeeyo gaar ahaan Tareenkan cusub Degmada Meyso waxay u jirta Magaalada Dire-dhaba qiyaasti 80km Tareenki hora ee qadiimihga ah wuxuu galbeedka gobolka sitti ka joogsan jiray ila ugu yaraan 7 tuulo oo ay ku jirtay magaalada Meyso waxayna nolol maalmeedkoogu ku xidhnayd boqolaal qoys maanta Tareenka cusub wuxuu ku hakan u qudha magaalada Biki taas oo ku cadayn in Tareenkan uu magac mooye wax muuqda oo horumar ah haba yaratee ugu fadhin gobolka.

 

  1. Isku soo wada duubo oo degmaddi Meyso ee beeshi ciise ay ahayd 90% dadka ku nool maanta waxaa jooga xoola raacatu la il daran aabaro iyo cadaalada daro tii ugu xumayd abid ee soo marta taarrikhdooda hadan intay goori-goor tahay talaabo laga qaadina degmadu waxay ku dambayn doonta sidaa ay ku dambaysay magaalada Meyso ee 10 sanno ka hor ahayd magaaloo ciise maanta aan koob biyo ah lagaaga ogolayn.

 

 

 

Dadkan la hadlayaabaan lahayn dux iyo iimaane aanubaa damqanaye dhegaba uma daloolaane

(Tima cadde)