Maxaa ka jira in ay Dawlada u Dirayso ciidamo ka Dagaalka Gala Dalka yamen?

Jabuuti (XeerNews24):

Dawladda Jabuuti ayaa la sheegay in ay ciidamo u dirayso dagaalka ka socda dalka Yemen, kuwaasi oo ka mid ah ciidamo ay hadda  qorshaynayso ururka jaamacadda Carabtu in loo dirro dalka Yemen.

 

 

Ciidamadani  ay dawladda Jabuuti u dirayso dalka yemen oo tiradoodda lagu qiyaasay 1000 askari ayaa  qaayb ka ah  ciidamo kale oo ka socda wadamo ka tirsan jaamacadda Carabta ku jira oo loo dirayo dalka Yemen.

 

Sida ay  sheegayaan warar arrintaasi u dhuun daloola oo aanu helnay ciidamadda ka socda dalka Jabuuti  ayaa la qorsheeyay in ay Yemen ku sugnaan doonaan muddo laba sanadood ah.

 

 

Sidoo kale dhaqaalaha ay qaadanayaan  ama ku hawl-gelayaan askartan  laga dirayo Jabuuti  ayaa  lagu sheegay in askarigiiba ay ku soo hagaagayso lacag dhan $3000 bishiiba.

 

Ciidamadaasi ayaa la doonayaa in ay la dagaalamaan jabhadda Xuutiyiinta ee  dagaalka kala soo hor jeedda dawladda, kuwaasi oo muddo saddex sanadood ah uu dagaalku u dhexeeyay.

 

 

 

Waxaanay wararku intaa ku darayaan in ciidamadan ay  Jabuuti u dirayso  Yemen ay isugu jiran kuwo qaba tababar fiican oo Kamandows iyo kuwo aan tababar wanaagsan la siinin, hase yeeshee dagaalka uun hadda loo dirayo.

 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dawladda jamhuuriyadda Jabuuti ay ciidamadan xoojinta ah  u dirayso Yemen bisha soo socota.

 

Geesta kale ciidamadan  ururka jaamacadda Carabtu doonayaan  in ay u diraan  Yemen ayaa dagaal la geli doona  jabhadda Xootuyiinta oo haysta hubka ugu casrisan, kaasi oo la sheegay in lagu sameeyay dalka Iran.

 

 

 

 

Dhinaca kale, ciidamadan la sheegay wadamadda ku jira ururka jaamacadda Carabta ay u dirayaan yemen, oo aan weli si cad loo shaacin,  balse waxaa la tilmaamay in talaabadaasi ay ka danbaysay  heshiisyo qarsoodi ah oo ay wada galeen dawladaha ku jira ururka jaamcadda Carabta.

 

Iyadoo dawladda Jabuutina ay  xubin ka tahay ururka jaamacadda Carabta, iyadoo ah wadankii ugu danbeeyay eek a mid noqda jaamacadda Carabta, kaasi oo ku so biiray sanadkii 1977-kii markii uu xornimadda qaatay.

 

Jabuuti ayaa sanadkii 1977-kii waxay noqotay dalkii  22-aad  ee ku soo biira  am aka mid noqda ururka ay ku bahoobeen wadamadda Jaamacadda Carabta.

 

 

Ugu danbayn Ma aha markii u horaysay ee ay dawladda Jabuuti sidan oo kale ciidamo ugu dirto dal kale, hase yeeshee Jabuuti ayaa ciidamo badan oo nabad ilaalin ah waxay ka joogaan dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qayb ka ah ciidamadda Afrikaanka ah ee AMISOM.