Hambalyo iyo duco ku socota Ugaaska beesha Ciise Ugaas Mustafe M.Ibrahiim

Bismilaahi Raxmaanaraxiim,
waxaan hambalyo iyo duco kasoo goday kashka
 iyo laabta u soo dirayna Ugaaska beesha Ciise Ugaas Mustafe Moxamad
 Ibrahiim Ugaas Wacays.oo  guurkiisii labaad ka dhacay goobta loo yaqaan
Cadaya oo ka tirsan gobolka Sitti ee killalka 5aad ee DDSI,waxaanan ugu
ducaynayna Ugaaska iyo boqorada u la aqalgalay,inay noqdan qoyskii isku
raaga awlaad qayrlena ilaahay kala siiyo.AAMIIN.
Guurka Ugaasku waa mid ku qotoba xeerka Ciise oo ah inuu laba jeer guursado,
 iyo marka hore ka guursado jufo gaar ah beesha Ciise,guurka dambana ka guursado jufo kale oo beesha Ciise uun ah.Ugaaska guurkiisa waxaa qabanqaabiya Gandaha Ciise ee ah(Gande Ugaas) wuxuuna ku mutaystay sida
Gandaha Ciise ee ah ( Gande Ugaas),waxa u ku mudtaystay sida karaamada
laga arkay soo xulistiisii,iyo inuu yahay tiirka u taagan  xeerka Ciise ee qadiimka  ah,iyo midnimad beelaha Ciise.
Xeerka Ciise waa dabarka dulmi kasta dabara,waana sidii horray loo yidhi <xeer nin dhigay waa u derejo,ninka ku dhaqmaana waa u dayr,ninka ka danaystana
waa ku danbi,Xeer waa kab lagu socdo,xeer waa hilin la raco,xeer waa dayr iyo dallad, xeer waa geed jeerin ah,xeer iyo xariirba waa la huwada,nin xeer lihii waa
xariir caydh ma ah. sida aad hugaaga u huwantahay,ayaa xeerka loo huwada,
,tol wanaag buu ku tarmaa,xumaana wuu  ku tirmaa,xeer waxaan ahayn wuu
xumaadda,xeer la’aani waa xukun iyo xoolo la’aan,callool bukootay carab baa lagu daweeya,xeer diid waa alla diid.
Ugaaska soo xulistiisa  waxaa u xilsaaran Gande Ugaas,waxa ayna ku bilaaban
ducadan,<ilaahoow ma dooran karnee,adigu noo door Ugaaskii lagu ledi lahaa,
ilaahoow mid geel badan kuma weydiisan,ilaahoow mid lo’ badan kuma weydiisan,
ilaahoow mid Baana badan kuma weydiisan,ilaahoow mid gashan gashandhig
yaqaan kuma weydiisan,ilaahoow mid walaalo badan leh kuma weydiisan,ilaahoow
waxaan ku weydiisanay mid eex iyo inkaarba ka fayow,ilaahoow waxaan ku weydiisanay mid hibo leh oo habeen dhashay.
Alla  mahadleh
H.M.Warsame