Muuse Biixi oo magacaabay Guddiga Fulinta ee Gobolka Salal

Hargeysa-(XeerNews24)

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muue Biixi Cabdi, ayaa magacaabay Guddiga Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.

Digreeto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha maanta oo uu ku magacaabay shan xubnood oo noqon doona Guddiga Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal oo uu Guddoomiye u yahay Axmed Yaasiin Muxumed Barkhadle.

Digreetadaasi oo dhammaystiranina waxay u qornayd sidan;

“Ref. No: XK/XGX/0042220/2016

October 24th, 2016

Ku: Axmed Yaasiin Muxumed Barkhadle = Hargiesa =

Ku: Cawaale Xasan Aadan = Hargiesa =

Ku: Maxamed Xaamud Cismaan = Hargiesa =

Ku: Cali Isaaq Ibraahim = Hargiesa =

Ku: Mako Cilmi Sheer = Hargiesa =

Og: Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE = Hargiesa =

Ujeeddo: Magacaabista Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal

Kadib markii aan arkay muhiimadda Guddida Fulinta ee heer Gobol u leedahay habsami-u-socodka hawlaha xisbiga, waxa loo magacaabay in xubnaha hoos ku qoran ay noqdaan Guddida Fulinta xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal, laga bilaabo maanta oo bishu tahay October 24, 2016:

  1. Axmed Yaasiin Muxumed Barkhadle – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.
  2. Cawaale Xasan Aadan – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.
  3. Maxamed Xaamud Cismaan – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.
  4. Cali Isaaq Ibraahim – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhallinyaradda xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.
  5. Mako Cilmi Sheer – In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiyaha Garabka Haweenka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Salal.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE