Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay saldhiga ciidamada Jabuuti ee Beledweyne

 

October 25 (XeerNews24)

Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaadhi laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray saldhig ciidamada Jabuuti ku leeyihiin magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid xoogan oo laga maqlay xaafadaha magaalada.

Saldhiga ciidamada Jabuuti ee ku yaala xaafada Howlwadaag ayaa laga maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidamada Jabuuti ay ridayaan taasi oo  baqdin kale ku abuurtay shacabka magaalada.

Lama ogaan karo khasaaraha weerarkaasi ka dhashay, balse waxaa dadka ku sugan magaalada ay sheegayaan iney jiraan waxyeelo soo gaadhay shacabka iyo guryo qaraxa xoogiisa ku burburay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in burbur xoogan ay soo gaadheen dhamaan dhismayaashii ku yaalay agagaarka saldhiga ciidamada Jabuuti ee qaraxa lala eegtay.

Ciidamada Jabuuti ayaa joojiyay dhaqdhaqaaqii magaalada Beledweyne waxaana adag in dadka ay isaga kala gudbaan xaafadaha ku yaala goobta qaraxa uu ka dhacay.

qarax

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah