Ma Waxbaa iska badalay Siyaasadi ay Sl ka lahayd 6-daa Goobood ee Bariga degmadda Lughaya?

Bismilaahi Raxmaanaraxiim,

Waxaa baryahan laga fadhaystay ka hadalkii 6

goobood ee bariga D.Lughaya ee sidii sharcidarrada ahayd uga xidhnayd
diiwaangelinta iyo doorashooyinkaba;  sidas darteedna,su’aashu waxa ay
tahay maa wax buu ka beddelay maamulka somaliland siyaasadiisii ku
aadanayd arrintas,waayo,waxaan arkayey shacabka ka soo jeeda degaanadas ee
qurbajoogta ku ah dalka uk oo soo dhaweynaya ninka loo tirinayo inuu isagu
naftiisu ka dambeeyo arrimahas,sidayse suurtagal ku noqon karta,in arrintas
laga fadhaysto oo laga ammuuso,iyada shacabka ku dhaqan  goobahas losoo
celinin xaqooda,loona ogolaanin  inay helaan waxaa ay xaq ugu leeyihiin maamulka,sida shucuubta kale ee dalka degan?
Waa arrin kasoo horjeeda dastuurka oo ah dambi weyn,in ummad dhan oo
mauwaadiniin ah laga horjoogsado xaquuqdoodii dastuurku siiyey ee ah inuu
qofka mauwaadinka ah  wax doorto,isna la doorto. Xaryiraadda laga saaray
6 goobood in wax laga doorto,waxa ay keentay,in sanadkii 2005-tii,doorashadii
golaha wakiiladda,in xildhibaanadii laga soo dooran lahaa 6 goobood ee u
meteli lahaa beesha  Ciise golaha ay suurtagali weyday in la soo doorto,ilaa
waqtigan la joogana sidas ay kaga maqan yihiin golaha,waana la yaab  sida
gola Barlamaan oo  beel dhani ka maqan tahay uu u hawlgalo.
Waxaan ku soo gunaanadyaa,fariin iyo talo aan u soo gudbinayo shacabka
ku dhaqan 6 goobood,haka seexanina xaqiina,
Wabilaahi Tawfiiq
Allaa Mahad leh
H.M.Warsame