Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay weerarkii shalay

 

 

 

 

October 26 (XeerNews24)

Safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Amb. Aadan Xasan Aadan ayaa sheegay in aanu wax saameyn ah ku yeelan doonin weerarkii ismiidaaminta ee shalay lagu qaaday saldhig Ciidamada Jabuuti ku lahaayeen magaalada Beledweyn.

Amb. Aadan xasan Aadan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho ayaa sheegay in saddex ka mid ah ciidamada Jabuuti ay ku geeriyoodeen qaraxa ismiidaaminta, halka shan kalena ku dhaawacmeen.

“Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Beledweyn wax saameyn ah kuma yeelan doono howlaha nabad ilaalin ee ciidanka Jabuuti u joogaan Soomaaliya, si xooggan ayaa loo cambaareeyay, waa weerar fulaynimo ah”ayuu yiri Safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM si looga hortago qatarta ay kooxaha nabad diidka umaleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee aanan waxba galabsan.

Hadalkan ka soo baxay safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli shalay maleyshiyaad ka tirsan ururka Al-shabaab ay weeraro isugu jira ismiidaamin iyo qaraxyo ay ku qaadeen xarun ay ciidamada jabuuti ku la haayeen galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.