DIIRADDA XEERNEWS24

Faalo ku saabsan ESTV-ga Jig-Jigga

Intaan ka xasuusan karno ESTV wuxuu jira wax ka yar 3 sanno waxayna xaruuntiisu tahay magaalada Jig-Jigga ee is maamulka Soomaalida Ethiopia waa qayb ka mid ah ama uguba muhiimsan propagaandaha ay dawlada Ethiopia ka iibiso addunka iyo Soomaalida sidda nagu maqal ah waxaa si madax banaan u maamula dad Soomaali ah oo deganka Kililka u dhashay,barnaamijyadda ka baxaa ESTV badankood ama dhamaantood waxay ku baxaan af Soomaali waxayna u kala baxaan qaybo fara badan oo ku saabsan sida la sheego horumarka uu Kililku ku talaabsaday sannadihii laga soo gudbay inti ay soo jirtay waxaa loogu yeedho DIB U Curashadda inkasto dad qaarkii ayna fahmin ama ayba garanayn af Soomaali ahaan wax mar curtay oo hadana mar kalee dib u curtay ha ahaato dad ama ha ahaato duunyo ama wakhti waa macnahaa guud ee laga fahmay eriga DIB u CURASHO oo lagu wareerey sababta loogu baxshay iyo meesha laga soo dheegtay intaba.

Inkasto ay yar tahay mudda u jiro hadana waxaa la odhan karaa ESTV wuxuu bada ku daray oo ka firfircoon yahay TV-ya Soomaaliyeed oo soo jiray in ka badan 70 sanno oo u ka mid yahay RTD-ga Djibouti,marka la is barbardhigu xagga soo tabinta wararka,codadka,Sawiradda,iyo af tahannimadda wariyayaasha ka hawl kale oo aad odhan karto waxay ay leeyihiin qibrad lagu dhiiran karo laguna faani karo.

Dadka wax ka dhaliili waxay leeyehiin in ay EsTV-ga ku yartay ama ayba ku jirin waxaa ay ummadda Soomaaliyeed ugu jeceshay aduunka ee ay dhaqan iyo hidda ma guuran ah u leedahay oo ah Diinka Islamka sidda daraadeednay ayba meelaha qaarkood looga yaqaan (DHANTO TV) cid wadanka dibadiisa ku nool oo siddi hora xiise u haysina ay marba marka ka dambayso sii yaraanayso diinta iyo dhaqanka ku yaraaday darteed.

4 ila 3-dii Bilood ee u dambaysay ayaan si joogta ah u macmiilay in aan la socdo dawashadda barnaamijyadda ka baxaa ESTV oo badankood toos(live)ah waxaana i soo baxday dhaliilaha ay dad qaarkii qabaan in ay yihiin wax jira oo aan cidna ka qrsoomayn ka sokoow dhaliilahaa jira waxaa kalo la sheegey in ay shaqaalaha ka hawl kala ay yihiin dad ay ragga maamulka haya ku soo keeneen qaraabakiil iyo eex ee ayna ahayn dad lagu soo xulay ama lagu shaqaalaysiyeey waxaa loogu yeedho dib u curashada iyo is dhex galka degmooyinka kililka Soomaalida Ethiopia.

Barnaamijyadda aan aad ula yaabay waxaa ka mid ah kuwaan hoos ku qoraan;

1.Wararka degmooyinka,

2.Booqashooyinka Masuuliyiinta,

3.Xadhig ka jarka Mashaaricda horumarinta,

4.Sicirka Xoolaha nool,

5.sarifka lacagaha,

6.Sadaasha hawadda,

7.Wax soo Saarka beeraha,

iyo qaar kalo badan sababtaan aan ula yaabay barnaamijyada waxay tahay dhaaman ama 80% waxaa lagu qaada-dhiga oo laga waramaa 3 ama 4 magaalo oo qudha oo kala aha;Goday,Dhax-Buur,Qabri-dahar iyo Jig-Jigga oo iyaduu ah caasimaddi Kililka mana garan karo sababta xita warkii iyo horumarkii la sheegan jiray loogu bakhaylay.

 

Waaxan haba yaratee aan xisaabta iyo war baahinta kililka Soomaalida ku jirin gobolka Sitti oo ah gobolka ugu muhiimadda wayn dalka Ethiopia guud ahaanti ayna ka socoto barnaamijya ay dawlada feedaraalka Ethiopia ay gacanta ku hayso hase-ahaatee aan wax faaido ah ugu fadhin gobolka Sitti sida tareenka,Korondada,Biyaha Djibouti loo butaacin ee ay qaar badan oo reer Sitti ah ka haraadaan yihiin ma jiro wariye si joogta ah uga soo tabiya wararka gobolka hadduu jirana waa mid aan la siin wakhti ku filan oo barnaamijga laga tabiyo gobolka ma dhaafo wax ka badan 3 ila 4 daqiiqo oo bishiiba hal mar ama 2 jeer ah.

Waxaa haboonaan lahayd haddi jirto dawlad cadaalad iyo ilbaxnimo leh oo ku dhaqanta haygalka dawaladnimo tix galisana sharciyadday iyadduu gacanteeda ku qortay in ay gobolka u dirto goobihii sidda sharciga baal marsan loogu xadgubay sidda Meyso,Galdhmalu,Cadaytu iyo Cundhufu wariyayaal ka soo war bixiyaa xaaladda ay ku nool yihiin dadki goobta cidlada ah lagaga yimid ee Soomaaliyeed oo aan ila maanta laga war hayn wax ay ku sugan yihiin.

 

Nabad iyo Caano