Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye Oo ka digaya Fara-Gelinta Lagu hayo Kursiga xildhibaanimo ee Beesha Badaraxaan Soomaaliya

Muqdisho(XeerNews24)

Xildhiban Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye Fariid Oo la soo xidhiidhay shabakaddaha Wararka ayaa ka waramay loolanka tartanka xildhibaanimadda Soomaaliya halkuu marayo isagoo cadeeyay inuu u sharaxan yahay booskiisa xildhibaanimo.

Xildhibaanka oo ka soo jeedda beellaha Soomaliland degta gaar ahaan beesha ciise ayaa noo sheegay in beeshiisa hoose ee Mamaasan aay laba xildhibaan ku lahaayd kuraasta xildhibaanimadda Soomalaiya kuwaas oo aay kala qaadan jireen beesha reer cawl ee mamaasan laakiin imika kursigiisa aay ku socdaan reer aan Soomaaliya degin oo isla mamaasan kaas uun ka mid ah oo degga dalalka Ethiopia iyo Djabuuti.
Wuxuu cadeeyay xildhibaanku in jufadiisa hoose ee Badaraxaan aay kursigoodda ilaashan doonan oo imika aay u wadda sharaxan yihiin isaga iyo gabadh kale sidda la rajeeynayo.
Wuxuu intaa ku daray dad-yawga faraha kula jira in kursiga Beesha Badaraxan inaanay u suu roobeyn isagoo dadkaas ku sheegay inaay qaar xildhibaanimadda kala mid yihiin.
Dowladda Soomaaliyana wuxuu u farayaa in aan dad deegan ahaayn oo meello kale laga soo abaabulayo la rabo kuraasti dadka degaanka ahaa la saarro.

 

(Soo Xigasho Sayruuq)