Gantaal kuwa ridada dheer oo lagu riday magaalada Barakeesan ee Makka iyo Sacuudiga oo ka jawaabtay

 

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku eedeesay maleeshiyaadka Shiicada Xuutiyiinta ee dalka Yaman in Gantaal kuwa ridada dheer ay usoo rideen dhinaca magaalada Barakeesan ee Makka .

Wakaalada wararka u faafisa Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in Gantaalka ay soo rideen Kooxda Xuutiyiinta uu ku dhacay meel 60km u jirta Magaalada Barakeesan ee Makka, waxa ayna Wakalaadu sheegtay in gantaalkaasi uusan wax qasaaro ah geesan.

Diyaaradaha dagaalka Sacuudiga ayaa la sheegay in ay si deg deg ah uga jawaabeen gantaalkaasi Xuutiyiinta kusoo rideen gudaha Sacuudiga, waxa ayna Diyaaradaha dagaalka daqiiqado kadib duqeeyeen halkii laga soo riday gantaalkaasi sida Wakaalada Wararka baahisay.

War kasoo baxay Xuutiyiinta dalka Yaman ayaa lagu sheegay in gantaalka ay ku rideen Sacuudiga ay la beegsanayeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee magaalada Jidda oo qiyaastii 100km u jirta magaalada Makka.