Reer Godey iyo siday uga hadleen Saylac oo Noqotay Hilib Cidla yaal

Maamulka Somaliland oo ka hadlay Khariirad cusub oo Saylac dhulka Ogadeenya ee Ethiopia gumaysto raacisay!!!

Wasaaradda Arrimaha gudaha maamulka Somaliland ayaa ka hadashay Khariirad cusub oo dhulka Waqooyiga Somaliya  3 meelood loogu qaybiyay islamarkaasna qayb ka mid ah oo deegaanka xeebta Saylac Lagu raaciyay dhulka Ogaadeenya ee gumaysiga ethipopia gacanat ugu jira, agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulka Somaliland Cabdifataax Siciid Axmed ayaa sheegey in maamulkoodu baadhayo cid fulisay arrintan talaaban ka qaadidoonan isaga intaas ku darray in dowladda Jabuti loo gudbiyay Khariirada noocaas u taala.

 

Aagaasime Cabdifataax muusan sheegin sababta kharidada Jabuti loogu gudbiyay balse wuxuu cadayay in masuuliyiin dowladda Jabuuti ka tirsan ku wargaliyeen in Khariirad qaybo dhulka maamulka Somaliland hmaamusho ka mid ah xuduuda Ogaadeenya raacinaysa dawlada Jabuti looso gudbiyay, Khariiraddan ayuu sheegay in la samayay 2013 waxaana agaasimaha Wasaarada Arrimaha gudaha Mmaamulka Somaliland hadalkiisa laga dhadhansanayay in uu jiro tuhun ah in Khariiradan in gudaha mamaulkiisa laga  ama xukumada gumeysiga Ethiopia ay gudbiyeen waxaana tuhunkaas keenay gudbinta dalwad kale loo gudbiyay oo aysan dad shacab xidhiiidhka noocaas ah fulinkarin

Isku soo duudubo maaha markii ugu horaysay ee xeebta Saylac ay dood gasho shacabka Waqooyiga Somaliya & Saxaafadooduba marar badan ayay maamulka Somaliland ku eedeyeen in ay xukuumada gumeysiga Ethiopia dhulkaas kala hadashay, gumaysiga Ethiopia ee see cadceedsanaya ayaa mudo dheer ku hamiyayay inuu helo xeebaha Soomalai fursad uu kula wareego arrintana waxaa loo qaadan ka raa mid ka mid ah isku dayadiisa qar iska tuurka ah.

Qorahay Media